xadhigii loo geytey warbaahinta kala ah HCTV, UNIVERSAL, HUBAAL, HAATUF intuba waxay ku xadgudbeen anshxii saxaafada dadka reer somaliland markhaati ayay ka yihiin.+Maqaal
, waxaa
ku soo kordhay Telefishano, webside yo aan hore u jiri jirin laakiin ku yimi
isbedelka tignoolajiga casriga ah ee caalamka oo somalilandna ay ka mid
tahay wadamada saxaafadu ay sida xawliga ah u socoto.
Hadaba
xoriyada warbaahineed ee ka jirta somaliland ,ayaa keentay in qofwaliba uu
samaysto webside, joornaal ama TV iyadoo qofwaliba uu u samaysto ujeedo gaara
ah.
Waxaan
maalmahan ku arkayey webside yada maqaalo lagaga hadlayey saxaafada
somaliland iyo xoriyatul qawlka.Anigu waxaan qabaa in warbaahinta dalka laga
mamnuucay ee la xayiray ay yihiin kuwo iyagu ku xad gudbay waajibkii
warbaahineed,waayo maaha in sida Yuusuf cabdi gaboobe loo furto wargeys in
dadka lagu ceebeeyo ama loogu baadho sida qoriga.
waynu
ognahay inuu caadaystay daba galka madaxda qaranka isagoo isu muujinaya suxufi
baadhitaan sameeyey iyo dabagal.Muu daba galo kufsigii uu u geystay gabadha yar
mudo aan sidaa u fogeyn isagoo lacag badan ku bixiyey siduu u qarin lahaa
fadeexadaas uu dhex muquurtay isagoo ah nin masuul ah reer iyo caruurna leh.
xadhigii
loo geytey warbaahinta kala ah HCTV, UNIVERSAL, HUBAAL, HAATUF intuba
waxay ku xadgudbeen anshxii saxaafada dadka reer somaliland markhaati ayay ka
yihiin.
Hadaan
tusaale u soo qaato HCTV isagoo isleh ku baadho xukuumada ayuu halis
geliyey jiritaankii qaranka markuu ku celceliyey somaliland waxay u kala go ay
sadex qaybood(beesha dhexe, khaatumo,Awdalstate) iyo riyaale oo leh madaxweyne
waxaan kaaga tegey wadan iyo dad is haysta ee isku hay.
Univesal
waxay ku xad gudubtay madaxweynaha oo ay ka dhigtay nin aan aduunba u war
hayn, iyadoo u raacisay aargoosi wasiir cakuse oo ay ku sheegeen nin
sakhraansanaa markii uu shilka galay.
Hubaal
/Haatuf waxay caadaysteen afxumada iyo ceebaynta madaxda dalka iyagoo doonaya
inay ku baadhaan xukuumada, hadaba shacbiweynaha reer somaliland oow miyaa
dalka lagu eegaa sidaa mise ninkii denbi gala waajibkiisaa la mariyaa wa iga su
aale?
waxaan
ku taageersanahay xukuumadu inay warbaahinta dadka ka qabato haday soo dhaafaan
xadkooda taas waxaa ku jira jiritaanka qaranka somaliland.
Pro:- Sacad Cabdi Cismaan
Sacad2010@gmail.com
xadhigii loo geytey warbaahinta kala ah HCTV, UNIVERSAL, HUBAAL, HAATUF intuba waxay ku xadgudbeen anshxii saxaafada dadka reer somaliland markhaati ayay ka yihiin.+Maqaal
Tan iyo mudadii ay jirtey Somaliland waxaa soo kobcayey saxaafada dalka oo la socota horumarka dalka somaliland qalinkii Pro:- Sacad Cabdi Cismaan