BEENAALE CABDI ISMAACIIL SAMATAR.

0
Sunday February 09, 2014 - 18:04:05 in
  • Visits: 2207
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    BEENAALE CABDI ISMAACIIL SAMATAR.

    Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo Raysal wasaare ka ahaa Somaliya sanadihii 6odanaadkii oo dhawaan geeriyooday laguna aasay Muqdisho Ilaahay ha unaxariisto.shacbiga reer Somaliland qofkasta oo dhinta wuxu doono ha ahaadee way uduceeyaan,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo Raysal wasaare ka ahaa Somaliya sanadihii 6odanaadkii oo dhawaan geeriyooday laguna aasay Muqdisho Ilaahay ha unaxariisto.shacbiga reer Somaliland qofkasta oo dhinta wuxu doono ha ahaadee way uduceeyaan,

Laakiin waxa igu kalifay in aan qalinka iyo warqada isu qaaato Cabdi Ismaaciil Samatar oo sheegta Proffesor in yar oo juquraafiya bartay wax walbana  ka jawaaba beenta cad ee uu lasoo taagan yahay qalabka warbaahinta isaga oo taariikhda been ka sheegaya oo Cabdirisaaq Xaaji Xuseen kutilmaamay nin Somali oo dhan kadaahiriyayn wasakhdii wiigan horaantiisii markii uu ka dul hadlaayay qabrigii lagu xabaalayay Cabdirisaaq Xaaji Xuseen. Waa yaabka yaabkii goorma ayay Somali oo dhami wada najaasawday ee Cabdirisaaq Xaaji Xuseen Daahir kanoqday Cabdi Ismaaciil Samatar oo waligiiba amaani jiray Cabdirisaaq Xaaji Xuseen kadsib markii uu gabdh uu adeer uyahay uu siiyay islamarkaana ay gabadhaas lasiiyay ay midaysay labada cabdi ee cuqdada iyo cadaawada ay uhayaan shacabka Somaliland.

Cabdi Ismaaciil Samataraw aabahaa Cabdirisaaq Xaaji Xuseen Cabdirisaaq Abaar wuxuu ka galay shacabka Somaliland bogag cadcad ayay kaga qoran tahay taariikhda,Cabdirisaaq wuxuu ahaa isaga iyo Aadan cade labadii nin ee beeray siidhkii qabyaalada ahaa ee kala kexeeyay Somali ee maanta halkaa dhigay. waxa kamid ahaa hadimooyinkii ay aabahaa Cabdirisaaq Abaar Iyo Aadann cade ugeysteen shacabvka somaliland dastuur ku sheegii lixdankii ay ka mudaharaadeen shacabka reer somaliland waa ninki markii uyu hargaysa yimi lahaa siijeedka iyo soo jeedka siijeedka ayaaba ku qurux badan tihiin. waxa kaloo uu Cabdirisaaq Xaaji Xuseen qabyaalad cad kula kacay shacabka reer Somaliland wakhtigii uu ahaa Raysal wasaaraha isaga oo shaqada ka eryay boqolaal shaqaale ahaa oo reer Somaliland isaga oo ku bedelay dadka soo jeeda haybta daarood gaar ahaan majeerten iyo ogaadeen iyo mareexaan. waxa kaloo laga xusi karaa waxyaabaha qabyaalada cad ahaa ee uu ku kacay mudadii uu Raysal wasaaraha ahaa in markii uu geeriyooday Generakl Daa,uud taliyihii ciidanka Somaliyeed uu markii Cabdirisaaq qabyaalad ku keenay Maxamed Siyaad Bare oo uu ka dhigay taliyihii Ciidanka Somaliya, Cabdi Ismaaciil Samataraw aabahaa Cabdirisaaq Abaar wuxuu ahaa ayuu ilaahay ku abaal marinayaa hadalkaaguna waxa aanu kaa leenahay dhuuso Geel mana baaqato mana Urto

 

 

 

Jaamacv Xassan Aadan 

London Uk

Jamahirad@gmail.com