SHIRKADDA DAHABSHIIL OO NOQOTAY XAWAALADDA KALIYA EE ILAALISA QAWAANIINTA IYO SHARCIGA U YAALA DAWLADAHA DALALKA BADAN EE AY KA SHAQAYSO
Inkastoo shirkada dahabshiil tahay shirkada guun ah marka loo eego xawaaladaha somalida, islaamarkaana shirkadani waayo aragnimo badan ka haysato mudadii badnayd ee ay soo jirtay hadana waxay wali dahabshiil ku taagantahay dhabada ah inay ilaaliso qawaaniinta iyo sharciyadda ku saabsan xawaaladaha ee u yaala dalalka ay ka shaqayso
Inkastoo xawaaladaha kale ee somalidu inta badan aanay ilaalin qawaaniinta iyo sharciga u yaala dalalka ay ka shaqeeyaan, iyadoo inta badan xawalaadaha kale ee somalida lagu eedeeyo inay suuq madaw u adeegsadaan xawilida lacagaha ay diraan ayaa hadana shirkadda dahabshiil lagu amaanay doorka ilaalinta sharciyadda iyo qawaaniinta ku saabsan xawilida lacagaha ay u kala xawisho malaayiinka qof ee ku kala sugan daafaha caalamka
Sidoo kale Maamulaha Guud ee Shirkadaha Dahabshiil, Mudane Cabdirashid Mohamed Saciid, ayaa dhawaan si toos ah ugu soo bandhigay Raiisal Wasaaraha United Kingdom, David Cameroon, ahmiyadda dhaqaale iyo horumarineed ee ay Soomaalida u leedahay isu-gudbinta lacagaha iyo sida ay halbowle ugu tahay noloshooda.
Maamulaha Guud iyo Raiisal Wasaaraha Ingiriisku waxa ay ka wada qayb galeen munaasabad lagu abaalmarinayey dadka Muslinka ah ee dhalashada Ingiriiska haysta ee sumcad iyo magac weyn u soo hooyey bulshooyinka ay ka soo jeedaan, oo loo yaqaan Muslim News Awards for Excellence oo ku beegnayd sannad guuradii 25aad ee xafladda noocan ahi qabsoonto, isla markaana ay ka soo qaybgaleen ilaa 800 oo shakhsiyaad, shirkado iyo jaaliyado isugu jira oo lagu maamusay.
Sidoo kale Shirkadda Dahabshiil ayaa laf ahaanteeda lagu abaalmariyey 2013 horumarka baaxadda leh ee ay ka samaysay dhinaca ganacsiga, halka sannadkanna lagu sharfay in Maamulaheeda Guud ka mid noqdo mudanka iyagu abaalmarinta guddoonsiinayey shakhsiyaadkii iyo hay’adihii loo soo xulay abaalmarinta.
Xafladda Abaalmarinta oo ka qabsoontay Grosvenor House, London, 1 April 2014, waxa ay noqonaysaa sannadkii labaad ee xidhiidh ah ee si weyn loogu karaameeyo Dahabshiil, oo caalamka looga aqoonsaday shirkad kaalin mug leh ka qaadatay ganacsiga siiba dhinaca maaliyadda iyo isu-gudbinta lacagaha, iyada in ka badan 155 dal oo adduunka ah ka hawlgasha.
Isku soo wada duuboo shirkadda dahabshiil ayaa noqonaysa shirkada kali ah ee ilaalisa qawaaniinta iyo sharciga u yaala dalalka xadka badan ee ay ka shaqayso iyadoo sidoo kale masuuliyiinta shirkadani ay si toos ah ugu soo bandhigaan madaxda dalalka ay ka shaqayso shirkadu , ahmiyadda dhaqaale iyo horumarineed ee ay Soomaalida u leedahay isu-gudbinta lacagaha iyo sida ay halbowle ugu tahay noloshooda.
Sidoo kale hadalkii tooska ahaa ee maamulaha shirkadu kula hadlayay raysalwasaaraha ingiriiska ayaa aad u soo jiitay bulshada caalamka
Suxufi Madaxbanaan :
Cabdirisaq Cismaan Muhamoud
SHIRKADDA DAHABSHIIL OO NOQOTAY XAWAALADDA KALIYA EE ILAALISA QAWAANIINTA IYO SHARCIGA U YAALA DAWLADAHA DALALKA BADAN EE AY KA SHAQAYSO
Shirkadda dahabshiil ee hormoodka u ah dhamaan xawaaladaha somalida ayaa Laga markhaati kacay inay noqotay shirkad ku sifawday inay ilaaliso qawaaniinta iyo xeerarka u yaala dalalka faraha badan ee shirkadani ka hawlgasho