Kooxda Ac Milan Kaabiga Ku Soo Haysa Booska Loogu Soo Baxo Champion League Ka Dib Markii Ay Ka Talaabsatay Catania

0
Monday April 14, 2014 - 09:46:35 in by Super Admin
  • Visits: 1191
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxda Ac Milan Kaabiga Ku Soo Haysa Booska Loogu Soo Baxo Champion League Ka Dib Markii Ay Ka Talaabsatay Catania

    Kooxda AC.Milan ayaa guul ka gaartay caawa kooxda Catania oo marti ugu aheed San Siro kadib markii ay ugu awood sheegatay 1-0, guushaana ayaa ka dhigaysa in kooxda AC.Milan ay u soo dhawaato boosas ka loogu soo baxo Europa League.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda AC.Milan ayaa guul ka gaartay caawa kooxda Catania oo marti ugu aheed San Siro kadib markii ay ugu awood sheegatay 1-0, guushaana ayaa ka dhigaysa in kooxda AC.Milan ay u soo dhawaato boosas ka loogu soo baxo Europa League.


Catania ayaa bilowga hore ku soo gashay ciyaarta si fir fircoon lakiin dhawr fursadood oo ay heleen kama aysan faa,idaysan, 23 daqiiqo Montolivo ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa AC.Milan kadib markii uu si xoogan u shuuday kubad uu ka helay saxiib kiisa Mario Balotelli wuxuuna ka dhigay ciyaarta 1-0.

AC.Milan ayaa sii waday weerar keeda Mario Balotelli ayaa u soo dhawaaday inuu 2-0 ka dhigo ciyaarta lakiin kubadiisa birta ayeey kor martay, waxaana lagu kala nastay 1-0 oo ay ku hogaaminaysay Milan.

Qaybtii danbe Milan ayaa aad uga awood badneed Catania waxana dhawr fursadooda ka qasaariyay Balotelli iyo Kaka kuwaas oo si fiican uga dhex muuqday ciyaarta.

Mexes ayaa u soo dhawaaday inuu hogaanka u dheereeyo kooxdiisa AC.Milan lakiin kubadiisa birta ayeey hareer martay, 78 daqiiqo Fabian Rinaudo ayaa calaamada gaduudan loo taagay kadib markii uu qaatay jaalihiisii labaad ee ciyaarta, ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 1-0 oo ay guushu ku raacday kooxda AC.Milan.

Milan ayaa hada ku jirta booska 8aad ee kala saraynta horyaalka iyadoo horyaalka ay ka harsan tahay 5 kulan waxayna u jiraan booska 4 aad 10 dhibic





Afkashacabka.com / Sports

Contact@afkashacabka.com