Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Gaadhi ku wareejiyey Degmada Cadaadley iyo Wasiirka Madaxtoyada oo Waddooyin u dhagax dhigay

0
Tuesday April 15, 2014 - 09:40:52 in by Super Admin
  • Visits: 881
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Gaadhi ku wareejiyey Degmada Cadaadley iyo Wasiirka Madaxtoyada oo Waddooyin u dhagax dhigay

    "Ina Cigaal Dhimay, Laakiin Diyaaraddii Uu Cawl Sudhay Hargeysa, Waa Calaamadda Koowaad Ee Somaliland, U Fiirso Cid Walba Waxay Qabato Ayuun-baa Hadha'e"Wasiirka Madaxtoyada JSL

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Ina Cigaal Dhimay, Laakiin Diyaaraddii Uu Cawl Sudhay Hargeysa, Waa Calaamadda Koowaad Ee Somaliland, U Fiirso Cid Walba Waxay Qabato Ayuun-baa Hadha'e"Wasiirka Madaxtoyada JSL

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayey ayaa shalay socdaal shaqo ku tagay degmada Cadaadley, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay dadwaynaha halkaasi ku dhaqan, Madax-dhaqameed iyo masuuliyiinta deegaankaasi.

 

 


Weftigan oo soo indho-indheynayey baahiyaha aasaasiga ah ee deegaankaasi yaala, si wax looga qabto, ayaa kormeerka weftiga waxa Munaasibad lagu qabtay halkaasi, waxaana Maamulka iyo Madax-dhaqameedka deegaankaasi halkaasi ku soo bandhigeen baahiyaha deegaankooda ee u baahan in wax laga qabto.

Waxa kale oo halkaasi ka hadlay Wasiirrada beeraha iyo arrimaha gudaha oo wasiirka Madaxtooyada safarkaasi ku wehelinayey, waxayna ballan-qaadeen in wixii wasaarradahooda ka khuseeya baahiyaha halkaasi lagu soo bandhigay ay wax ka qaban doonaan intii ay awoodaan.


Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo isaguna gabogabadii halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in xukuumaddu ay u diyaar u tahay inay wax ka qabato baahiyaha aasaasiga ah ee Cadaadley yaalla, hasa-yeeshee loo baahan yahay in dadwaynaha ku dhaqan halkaasi ay gacmaha isku qabsadaan sidii ay wax u wada qabsan lahaayeen, si markaasi dawladda Somaliland iyo hay’adaha deeqaha bixiyaa ay wixii ka dhiman ula qabtaan.


Wasiirka oo arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi "Waa Weji gabax, ummad aan waxba qabsan, wixii 150 sanadood ka hor awowgayo noo qabtay ayaanu weli dul-joognaaye adiguna wax nala qabo, bal (eeg) dareenka ay leedahay annagu waxba maanaan qabsan oo awowgayagii afraad wixii uu noo qabtay ayaa weliba naga xumaadee adiguna wax nala qabo”


Wasiirku waxa kale oo uu sheegay isaga oo tusaaleynaya dadwaynaha degmadaasi ku dhaqan "Reer Cadaadley uun maaha, halkan waxa ka muuqda Iskuulkii Ingiriisku inoo dhisay 1954-kii oo jiingad la’, (waxay ahayd) in maanta lana waydiinayo Jaamacaddii looga gudbi lahaa, marka iskuulku horumaro (iskuulka bilaa Jiingadda ahi), laakiin waa nasiib daro iyo dib u dhac dalkeena ku yimid, canaanteedana aynu dhammaanteen leenahay…” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray "Waxa loo baahan yahay inaad idinku isku tashataan, ciddii inoo timaaddaana markaasay wax innala qabane, sida aynu u leenahay dal ahaanba aynu isugu tashanno, waa inaad marka hore idinku wax isku darsataan oo aad wax la timaadaan, markaa waxaad la timaadaan dawladduna wax idiinku darto, maalinba aynu wax xoogga saarno oo aynu waxaasi ka jibbo keeno, waayo taasaa horumar lagu gaadhaa…”


Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, waxa uu ballan-qaaday inay wixii awooddooda ah la qabanayaan degmada Cadaadley "Dawlad ahaan wixii awooddu noo suurto-galiso waxba idinka hagran mayno, Madaxwaynaha ayaanna halkan noo soo diray, waxa kale oo na direysa masuuliyadda aanu hayno, waanuna indho-idhayn wixii (Baahiyaad) la tilmaamay, wixii aanu ka qaban karnana waanu ka qaban, laakiin maanta doorasho, hunguri iyo damac umaanaan socon, laakiin waxaanu doonaynaa inaanu wixii suurtogal ah idinla qabano” ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey "Cid walba waxa ay qabato ayuunbaa soo hadha, maanta ina Cigaal dhimay (Madaxwaynihii hore ee JSL), dawladdiisiina wakhtigeedu dhammaa, laakiin diyaaraddii Cawl ka taagay (Hargeysa) waa calaamadda koowaad ee Somaliland, marka dunida laga soo saarayo, u fiirso markay ka soo baxayso Al-jazeera, CNN iyo BBC-da, diyaaradda uu Cawl sudhay Hargeysa waa calaamadda Somaliland”


Intaasi ka dib, Wasiirka Madaxtooyadu waxa uu dhagax dhigay iskuulka boodhinka ah ee Cadaadley iyo jidka isku xidha Cadaadley Iyo Mandheera ee jidka Laamayda ah ku soo dhaca. Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha gudaha, ayaa Maamulka degmadaasi ku wareejiyey gaadhi..






Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com