Xildhibaan Abdirisaaq Aar Oo Kamida Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Burco Iyo Wafti Uu Hogaaminaayey ayaa Booqday Degmada Balidhiig Oo Kamida Gobolka Togdheer Una Kuurgalay Xaalada Degaankaasi‏

0
Tuesday April 15, 2014 - 11:22:09 in by Super Admin
  • Visits: 917
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Abdirisaaq Aar Oo Kamida Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Burco Iyo Wafti Uu Hogaaminaayey ayaa Booqday Degmada Balidhiig Oo Kamida Gobolka Togdheer Una Kuurgalay Xaalada Degaankaasi‏

    Wafti uu hogaaminaayo Xildhibaan C/risaaq Maxamuud Jaamac (A/risaq Aar) oo kamida Xildhibaanda Golaha Deegaanka Degmada Burco ayaa dhawaan Boooqasho ku tegay Degmada Balidhiig oo kamida Degmooyinka ugu faca weyn Gobolka Togdheer islamarkaana Taariikh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafti uu hogaaminaayo Xildhibaan C/risaaq Maxamuud Jaamac (A/risaq Aar) oo kamida Xildhibaanda Golaha Deegaanka Degmada Burco ayaa dhawaan Boooqasho ku tegay Degmada Balidhiig oo kamida Degmooyinka ugu faca weyn Gobolka Togdheer islamarkaana Taariikh ku leh Dalkan Somaliland.


Xildhibaanka ayaa u kuur galay xaalada guud ee degmada balidhiig iyo noloshada ay ku noolyihiin waxaana uu kulamo gooni gooni ah la yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmada balidhiig , waxaana uu sidoo kale kormeer ku tegay qaar kamida Dugsiyada Waxbarashada Degmada Xarunta Caafimaadka Degmada Maamulka Dawlada hoose ee Degmada Balidhiig Saldhiga Degmadaasi.

Xildhibaanka ayaa kulan la qaatay Maamulka Degmada Dawlada hoose ee Balidhiig islamarkaana kala hadlay waxyaabaha ay degmadu u baahan tahay iyo horumarkeeda, waxaana ay maamulkada degmadaasi oo bandhigeen baahiyaha wakhtigan ee degamda balidhiig sidoo kale xildhibaan ayaa aad uga mahad celiyey sida wanagsan ee ay usoo dhaweyeen ka maamul deegaan ahaan.

Xildhibaan Abdi Aar ayaa sidoo kale booqasho ku tegay Xarunta Caafimaadka Ee Degmada oo uu kula kulmay Maamulka Xaruntaasi iyo Shaqaalaha ka hawl gala, waxaana uu goob goob u booqday dhamaan qolaalka ay xaruntaasi ka kooban tahay , waxaana uu sidoo kale warbixino kala duwan ka dhegaystay maamulka iyo shaqalaaha xarunta sida ay u shaqayso , waxaana ay soo bandhigeen baahiyaha xaruntaasi oo uu xildhibaanku note garaystay.

Sidoo kale Xildhibaan C/risaaq Aar ayaa booqasho ku tegay Dugsiytada H/Dhexe iyo Sare isaga oo u guur gelaayey Xalaaada waxbarasho ee degmada Balidhiig oo kamid ahayd meelihii laga soo doortay, Xildhibaanka booqasho rasmiya ku tegay Dugsiga Hoose Dhexe ee Degmada, waxaana uu halkaasi kula kulmay ardaydii iyo maamulkii Dugasigaasi oo uu kulan la qaatay islamarkaana ay ka wada hadleen sidii loo horumarin lahaa dugsigan dhexe iyo baahiyaha haatan yaalla kuwaas oo uu xildhibaan aar ka garaabay.

Xildhibaanka iyo Waftiga uu hogaaminaayey ayaa isla sidoo kale booqasho ku tegay Dugsiga sare Degmada Balidhiig oo isgu jira Dugsi sare iyo Boodhin waxaana halkaasi kusoo dhaweeyey mamulkii macalimiintii iyo ardaydii dugsigaasi , waxaana uu fasal fasal u booqday dugasigaasi sare sidoo kale waxaa uu booqday Maktabada Dugsigaasi oo ah mid si heer sare ah loo casriyeeyey iyo sidoo kale qeybta barashada cilmiga Computerka oo halkaasi laga hirgeliyey .

Si kastaba ha ahaatee Booqasha iyo Waftiga uu Xildhibaanku hogaaminaayeyey ayaa ahayd booqasho balaadhan oo loogu kuur gelaayey xaalada waxbarasho, caafimaad ee deegaanka balidhiig , waftigan ayaa sidoo kale booqday Maxadka barashada diinta islaamka ee Degmadaasi.






Afkashacabka.com

Burco /Office

Contact@afkashacabka.com