MARAYKANKA IYO RUUSHKA OO MIDBA MIDKA KALE KU EEDEEYAY IN UU FARAGALIN KU SAMEYNAYO ARRIMAHA UKRAINE.

0
Tuesday April 15, 2014 - 15:37:11 in by Super Admin
  • Visits: 798
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MARAYKANKA IYO RUUSHKA OO MIDBA MIDKA KALE KU EEDEEYAY IN UU FARAGALIN KU SAMEYNAYO ARRIMAHA UKRAINE.

    Aqalka cad ee Mareykanka ayaa sheegay in Madaxweyne Obama uu si cad u sheegay in diblumaasiyadda ay tahay wadada uu Mareykanka doorbidayo, hasayeeshee waxa uu muujiyay in falalka Ruush-ka aanay aheyn kuwo habboon oo xaalada hagaajinaya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aqalka cad ee Mareykanka ayaa sheegay in Madaxweyne Obama uu si cad u sheegay in diblumaasiyadda ay tahay wadada uu Mareykanka doorbidayo, hasayeeshee waxa uu muujiyay in falalka Ruush-ka aanay aheyn kuwo habboon oo xaalada hagaajinaya.


Ruush-ka ayaa dhankiisa sheegay in, Madaxweyne Putin, uu wadahadalka taleefanka uu uga faa'iidaystay dhaleecayn uu u jeediyay xukuumaddaUkraine oo uu ku eedeeyay in ay hurinayso dibadbaxyada ay koonfur bari ee Ukraine ka wadaan kooxaha taabacsan Ruush-ka, isagoo sheegay in xukuumadda Kiev ay ilaalin wayday danaha dadka ku hadla afka Ruush-ka ee Ukraine ku sugan.Sarkaal sare oo Mareykan ah ayaa sheegay in Madaxweyne Obama, uu Madaxweyne Putin u sheegay, in dowladda ku meel gaadhka ah ee Ukraine ay isku dayeyso wax ka qabashada waxyaabaha ay ka cabanayaan dadka ku hadla afka Ruush-ka ee ku nool bariga Ukraine, balse ay u taallo dadka Ukraine in ay go'aan ka gaaraan mustaqbalkooda.

Madaxweyne Putin ayaa ugu baaqay dhigiisa Mareykanka in uu ku qanciyo xukuumadda Ukraine in aanay awood u adeegsan dibadbaxayaasha.

Labada dhinacba waxa uu midba midka kale ku eedeeyay in uu faragalin ku sameynayo arrimaha Ukraine.

Ruush-ka ayaa tilmaamay in booqashadii ugu dambeysay ee todobaadkii hore uu ku tagay magaalada Kiev madaxa hay'adda sirdoonka Mareykanka ee CIA ay calaamad u tahay faragalinta Mareykanka.

kala duwanaanshaha labada dal ayaa muujinayo in ay aad ugu kala fog yihiin mustaqbalka Ukraine.

 

Dhanka kale Madaxweynaha ku meel gaadhka ah ee Ukraine, Oleksandr Turchynov, ayaa ugu baaqay Qaramada Midoobay in ciidamo nabad ilaalin ah loo diro bariga Ukraine, halkaasi oo maleeshiyaad taabacsan Ruush-ka ay sii wadaan in ay la wareegaan xarumaha dowladda.

Mr Turchynov ayaa soo jeediyay in ciidammada Ukraine iyo kuwa Qaramada Midoobay ay iska kaashan karaan howgalka ka dhanka ah kooxahaasi.

Balse safiirka Ukraine u fadhiya Qaramada Midoobay, Yuriy Sergeyev, ayaa BBC-da u sheegay in ciidammo nabad ilaalin ah aanay suuragal aheyn, maadaama uu Ruush-ka codka diidmada qayaxan uu dul dhigi karo qaraar kasta oo Golaha Ammaanka uu gaadho - balse Kiev ay muujinayso baahida ay u qabto kaalmo militari oo dibada kaga timaado.

 




Contact@afkashacabka.com