Safiirkii Waddanka Urdun uu Fadhiyey Liibiya Oo saaka La Afduubay!

0
Tuesday April 15, 2014 - 15:50:10 in by Super Admin
  • Visits: 866
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Safiirkii Waddanka Urdun uu Fadhiyey Liibiya Oo saaka La Afduubay!

    Waxaa maanta magaalada Tripoli ee caasimada dalka Liibiya lagu afduubay safiirkii Wadanka urdun u fadhiyey Liibiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa maanta magaalada Tripoli ee caasimada dalka Liibiya lagu afduubay safiirkii Wadanka urdun u fadhiyey Liibiya.



Afduubkan ayey geysteen koox hubeysan oo afka soo duubtay isla markaana qabay dharka shibilka, kooxdan ayaa rasaas ku furay gaarigii uu saarnaa safiirka xili uu marayey xaafada mansuur ee magaalada Tripoli.

Ambassador Fawas Al Aytan ayaa la sheegay in ay la tageen kooxdan hubeysan oo watay labo gaari, waxayna xiligii afduubka geysanayeen ay dhaawaceen darawelkii iyo nin illaalo u ahaa safiirka, waxaa sidaa xaqiijiyey Wasaaradda Arrimaha Dibada ee wadanka Liibiya.

Telefishinka Aljazeera qeybtiisa carabiga ayaa baahiyey war sheegaya in kooxda Afduubka geysatay ay telefoonka kasoo waceen xaaska safiirka isla markaana u sheegeen inuu nabad qabo.

Dowlada Jordan ayaa sidoo kale xaqiijisay afduubkan, halka dowlada Liibiya aysan weli ka hadlin cid ay ku tuhunsan tahay inay ka danbeeyaan afduubkan.

Ambassador Fawas ayaa kamid ahaa safiiradii ugu horeeyey ee tagay dalka Liibiya kadib markii xukunka laga tuuray xukuumadii Col.Qadaafi.

Afduubkan ayaa kusoo beegamaya 48 saac kadib markii uu xilka iska casilay Raysalwasaarihii Liibiya Cabdallah Al Thinni kadib markii Axadii lasoo dhaafay ay kooxo hubeysan weerareen gurigiisa magaalada Tripoli.

Dalka Liibiya ayey caadi ka noqotay afduubka iyo weerarada ay geystaan kooxo maleeshiyaad ah oo madax banaan kuwaasi oo qaarkood ka ganacsada hubka, dadka iyo waliba shidaalka. Arrintan oo keentay burburkii ku yimid awoodii dowlada wixii ka danbeeyey kacdoonkii sadex sano kahor xukunka looga tuuray Col.Qadaafi.







Contact@afkashacabka.com