Wasiirka Xanaanada Xoolaha JSL oo Guddida Joogtada Ah Ee Golaha Wakiilada uga Warbixiyey Geel dhowan laga soo celiyey Sucudiga

0
Tuesday April 15, 2014 - 17:23:37 in by Super Admin
  • Visits: 835
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Xanaanada Xoolaha JSL oo Guddida Joogtada Ah Ee Golaha Wakiilada uga Warbixiyey Geel dhowan laga soo celiyey Sucudiga

    Wasiirka Xanaanada Xoolaha JSL oo Guddida Joogtada Ah Ee Golaha Wakiilada uga Warbixiyey Geel dhowan laga soo celiyey Sucudiga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Xanaanada Xoolaha JSL oo Guddida Joogtada Ah Ee Golaha Wakiilada uga Warbixiyey Geel dhowan laga soo celiyey Sucudiga

Guddida Joogtada Ah Ee Golaha Wakiilada Somaliland Ayaa Maanta Shir Albaabadu U Xidhan Yihiin La Qaatay Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Somaliland Dr Cabdi Aw Daahir Cali.

Kulankaasi Markii Uu Dhamaaday Waxa Warbaahinta La Hadlay Waxa Warbaahinta La Hadlay Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Somaliland Iyo Guddoomiyaha Guddida Joogtada Ah Ee Golaha Wakiilada Somaliland Ibraahin Mahdi Buubaa.

Waxa Uu Guddoomiyuhu Sheegay In Ay Wasiirka Ka Xog Waraysteen Hawlaha Ay Wasaarada Xanaanada Xoolaha Somaliland Qaranka U Hayso Iyo Labada Marka Oo Siday Geel Oo Kasoo Noqday Wadanka Sucuudiga Laguna Soo Celiyey Dikada Magaalada Barbara.

Guddoomiyaha Guddida Joogta Ee Golaha Wakiilada Oo Arimhaasi Ka Hadlaya Ayaa Waxa Uu Yidhi Sidan.

"Guddida Joogtada Ee Golaha Wakiiladu Saaka Waxa Ay Xafiiskooda Ku Qaabileen Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Somaliland Dr Cabdi Aw Daahir Sidaad La Socotaanba Xoolahu Waa Laf-Dhabarta Somaliland Ee Uu Ku Tiirsan Yahay Dhaqaalaha Somaliland,Sidaas Darteen Arimaha Ku Saabsan Dhinac Dhoofka Xoolahu Waxaana Jiray In Dhawayd Dikada Magaalada Barbara Ay Kusoo Noq-Noqdeen Laba Marka Oo Siday Geel Waxaana Uu Wasiirku Noo Sheegay In Arintaas La Xaliyey.

Sidoo Kale Waxa Uu Sheegay Guddoomiyaha Guddida Joogtada Ee Golaha Wakiiladu Somaliland Ujeedad Ugu Wayn Ee Ay Ugu Yedheen Wasiirka Xaanada Somaliland Waxaana Uu Yidhi”

"Waxaanu Wasiirka Ugu Yeedhnay Ee Ugu Wayn Waxa Ay Ahayd Laba Markab Oo Siday Xoolaha Nool Kuwaas Oo Kasoo Noqday Wadanka Sucuudi Arabiya Iyo Sababaha Ay Usoo Noqdeen Ayaanu Wasiirka Ugu Yeedhnay Iyo Guudo Ahaanba Qaabka Ay Wasaarada Xanaanada Xoolahu Uga Shaqayso Dayac Tirka Iyo Ilaalinta Caafimaadka Xoolaha Dalka Oo Ah Laf-Dhabarta Kobaad Ee Qaranku Ku Tamariyo.

Waxa Uu Intaasi Raaciyey Ibraahin Mahdi Buubaa”Si Fiican Ayaa Uu Wasiirku Nooga Warbixiyey Qaabka Ay Wasaaradiisu U Shaqayso Iyo Waxa Ay Qaranka U Hayso Iyo Guudo Ahaanba Dhoofka Xoolaha Somaliland Ee Maanta Ka Socda Wadan Keena,Sidoo Kale Waxa Uu Wasiirku Warbixin Aad U Faah-Faahsan Naga Siiyey Qaabka Caafimaad Ee Loo Baadho Halka Ay Ka Dhoofayaan Dhamaan Xoolaha Ka Taga Wadanka Somaliland Iyo Marka Ay Xaga Carabta Ka Dagaan Sida Loo Baadho Iyo Wax Yaabaha Lagu Soo Celiyo Xoolaha Iyo Sida Ay Ku Bad-Baadi Karaan Marka Ay Gadhaan Wadamada Loo Dhoofiyo,Intaas Ka Dib Su’aalo Badan Ayaanu Waydiinay Wasiirka Oo Ku Saabsan Shaqada Wasaaradiisa Iyo Seerayaasha Loogu Talo Galay In Lagu Xananeeyo Xoolaha Dhoof U Jooga Ah.

Dhinac Kale Waxa Uu Guddoomiyaha Guddida Joogtada Ee Golaha Wakiiladu Sheegay In Ay Wasiirka Wax Ka Waydiiyeen Sida Uu Shaqaalaha Wasaaradiisa Kusoo Xulo Waxaana Uu Yidhi”

"Sidoo Kale Waxaanu Waxa Ka Waydiinay Guruubka Caafimaadka Ah Ee Wareega Iyo Goobaha Ay Hada Ku Kala Sugan Yihiin Iyo Wax Qabadkooda Ay Kusoo Kordhiyeen Dalka Waxaanu Wax Ka Waydiinay Wasiirka Qaabka Ay Wasaaradiisu Shaqaalaha Kusoo Xulato Iyo Digriiga Lagu Qaato Iyo Waliba Qaabka Ay U Shaqeeyaan Iyo Sida Haayadaha Cadaanka Ahi Ee Wadanka Jooga Ugu Xidhan Yihii Wasaaradiisa Iyo Xanaanaynta Xoolaha.

Dhinac Kale Waxa Isna Halkaasi Ka Hadlay Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Somaliland Dr Cabdi Aw Daahir Cali Waxaana Uu Yidhi”Waxaan Uga Waramay Qaabka Ay Wasaarada Aan Masuulka Ka Ahay U Shaqayso Ee Xanaanada Xoolahu Waxqabadka Xoolaha Xanaanaynta Xoolaha Iyo Kaalinta Wax Soo Saarka Dalka Kaga Jiraan Xoolahu Iyo Waliba Dhoofintooda.

Sidoo Kale Waxa Uu Wasiirku Ka Warbixiyey Laba Marka Oo Siday Geel Oo Lagu Soo Celiyey Dikada Magaalada Barbar Kaas Oo Kasoo Noqday Dalka Sacuudi Arabiya Waxaana Uu Yidhi”

"Waxaan Ka Waramay Labada Marka Oo Geel Ah Oo Lagu Soo Celiyey Dikada Magaalada Barbar Ee Xarunta Gobolka Saaxil Talaabadii Aan Ka Qaaday Iyo Rajada Hada Kasoo Muuqata Iyo Waliba Waxaan Ka Qabtay Iyo Waliba Waxa Ku Saabsan Mustaqbalka Xoolaha Dhoofintooda Waxaanan Siiyey Warbixin Ku Saabsan Xaalada Ay Ku Sugan Yihiin Xoolaha Somaliland Iyo Sida Aanu Markasta Ula Tacaalno Cudurada Lasoo Darisa Xoolaha Somaliland,Geelaas Lasoo Celiyey Cidii Lahayd Waanu Ka Wada Shirnay Guddida Xoolaha Baadha Waanu Ka Wada Shirnay Waxaan Warbixin Ku Saabsan Geelaas U Gudbiyey Madaxwaynaha Somaliland Golaha Wasiirada Iyo Golaha Barlamaanka Somaliland Iyo Cid Kasta Oo Arinkaasi Saamayn Ku Yeeshayba.

Sidoo Kale Waxa Uu Sheegay Wasiirku Inta Uu Xilka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Somaliland Hayey In Ay Wasaaradiisu Ku Talaabsatay Horumar La Taaban Karo Isga Oo Sheegay In Xal Laga Gaadhay Laba Marka Oo Kusoo Noq-Noqday Dikada Magaalada Barbara Isla Markaas Aanay Dib U Dhici Doonin.

Isla Markaasna Wasaaradiisa Kusoo Kordhiyey Guruub Caafimaad Oo Wareega Isla Markaas Taga Goba Badan Oo Ku Yaala Dhulka Miyiga Si Ay Caafimaadka Xoolaha Markasta Wasaaradiisu Uga War Hayso.





Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com