Weriye Yaasiin Xaaji Ismaaciil Jirde Oo Saaka u Geeriyooday Xanuun Uu Muddo U Jiifay.

0
Tuesday April 15, 2014 - 17:28:13 in by Super Admin
  • Visits: 1416
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weriye Yaasiin Xaaji Ismaaciil Jirde Oo Saaka u Geeriyooday Xanuun Uu Muddo U Jiifay.

    Waxa Maanta Dalka Ingiriiska Ku Geeriyooday Alla Ha U Naxariistee Weriye Yaasiin X Ismaaciil Jirde Oo Ahaa Wariye Caan Ah Isla Markaana Xil Illaa Heer Wasiir Ka Gaadhay Dawladdii Somaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa Maanta Dalka Ingiriiska Ku Geeriyooday Alla Ha U Naxariistee Weriye Yaasiin X Ismaaciil Jirde Oo Ahaa Wariye Caan Ah Isla Markaana Xil Illaa Heer Wasiir Ka Gaadhay Dawladdii Somaliya.



Alla Ha U Naxariistee Yaasiin X Ismaaciil Jirde Waxa Uu Ku Dhashay Magaaladda Hargeysa 1934-Kii, Waxaanu Ka Mid Ahaa Labaatan Carruur Ah Oo Uu Dhalay X Ismaaciil Jirde.


Wariye Yaasiin Ismaaciil X Jirde Waxa Uu Ka Mid Ahaa Booliiskii Somaliya Qaybta Dambi Baadhista Ee C.I.D-Da, Amrkii Danbena Waxa Uu Ku Biiray Qaybtii Intelegence-Ka Ama Sirdoonka.


Yaasiin X Ismaaciil Allla Ha U Naxriistee Waxa Uu Ka Tagay Shaqada Booliiska Waxaani Imtixaan U Galay Radio Hargeysa Halkaas Oo Loo Qaatay Wariye Taariikhdu Markay Ahayd 1965-Kii, Hase Yeeshee Waxa Uu Si Rasmi Ah Uga Hawl Galay Radio Muqdisho.


1987-Dii Waxa Yaasiin X Ismaaciil Jirde Loo Magacaabay Wasiir Ku-Xigeenkii Wasaaraddii Warfaafinta Somaliya, Isagoo 1989-Kiina Laga Dhigay Wasiirka Warfaafinta, Halka Uu Ka Goostay Maamulkaasi 1989kii


Alla Ha U Naxariistee Yaasiin X Ismaaciil Jirde Waxa Uu Imika Ku Noolaa Magaaladda London Ee Dalka Ingiriiska Halkaas Oo Uu Saaka Ku Geeriyooday.






INALILAAHI WAA INAA ILEYHI RAAJICUUN, 

MASULIYINTA IYO HAWLWADEENADA SHEBEKEDDA CAALAMIGA AH EE AFKASHACABKA.COM WAXAY KA TACSIYADAYNAYAAN QOYSKII, QARABADII, ASXAABTII IYO BAHDA WARBAAHINTA IYO WELIBA QARANKII UU KA BAXAY MARXUUM WERIYE YASIN XAJI SIMACIL JIRDE




Afkashacabka.com

London /Office

Contact@afkashacabka.com