Madaxweynaha JSL oo Tacsi U Diray Qoyskii iyo Guud ahaanba Qaranka uu Ka Baxay Marxuum Weriye Yasin Ismacil Jirde

0
Tuesday April 15, 2014 - 17:51:24 in by Super Admin
  • Visits: 733
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha JSL oo Tacsi U Diray Qoyskii iyo Guud ahaanba Qaranka uu Ka Baxay Marxuum Weriye Yasin Ismacil Jirde

    Waxana Tacsida lagu Shaaciyey Qoraal uu Goor dhoweyd Xafiiskiisa ka soo Saaray Afhaayeenka Madaxtooyada Somaliland Axmed Saleban Dhuxul oo Dhignaa Sidan:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxana Tacsida lagu Shaaciyey Qoraal uu Goor dhoweyd Xafiiskiisa ka soo Saaray Afhaayeenka Madaxtooyada Somaliland Axmed Saleban Dhuxul oo Dhignaa Sidan:

15/04/2014

 

TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu tacsi u dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Reer Somaliland, ee uu ka baxay Marxuum Yaasiin Xaaji Ismaaciil Jirde  oo ku geeriyooday 15/04/2014, Dalka Ingiriiska, gaar ahaana waxa uu madaxweynuhu tacsi u dirayaa Qoyska Reer Xaaji Ismaaciil Jirde Aw Cali.


Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay tiir tusaale u ahaa saxaafada ku hadasha afka Soomaaliga, iyo Erey bixinta Somaliga, oo uu ku soo kordhiyey kelmedo badan oo soomaali ah, waxa uu ahaa siyaasi iyo Suxufi ruug-cadaaya, Xilal badana ka soo qabtay Dawladihii Soomaalida.


Madaxweynuhu waxa uu  Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan Saadiqa ka siiyo.

 

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
    Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.