Daawo Video: Wasiirka Kalluumaysiga JSL oo Beeniyey inu Jiro Kalluun La Sheegay In Sun Lagu Shubay Badda ugu Dhintay Xeebaha Gobolka Sanaag.

0
Tuesday April 15, 2014 - 18:08:48 in by Super Admin
  • Visits: 695
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Video: Wasiirka Kalluumaysiga JSL oo Beeniyey inu Jiro Kalluun La Sheegay In Sun Lagu Shubay Badda ugu Dhintay Xeebaha Gobolka Sanaag.

    "Arintaa Nimanka Saxaafada Ee Qoray Baa Nooga War Roon Anagu Wax Alaale Iyo Wax Aanu Kala Socono Kaluun Meel Ka Soo Caariday Ma Jirto" Wasiir Buureed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Arintaa Nimanka Saxaafada Ee Qoray Baa Nooga War Roon Anagu Wax Alaale Iyo Wax Aanu Kala Socono Kaluun Meel Ka Soo Caariday Ma Jirto" Wasiir Buureed


Wasiirka Wasaarada Kalluumaysiga Iyo Khayraadka Badaha Ee Somaliland Mudane Cali Jaamac Faarax Buureed Ayaa Maanta Waxa Uu Ka Hadlay Warar Ay Maalmihii Ugu Dambeeyey Qorayeen Qaar Ka Mid Ah Warbaahinta Kaas Oo Sheegayey In Sun Lagu Shubay Xeebaha Somaliland Ay Sababtay In Lagu Arko Xeebaha Gobolka Sanaag Kalluun Isagoo Bakhtiya Soo Caariday. 

Wasiirka Wasaarada Kalluumaysigu Waxa Uu Sheegay In Aanay Arintaasi Waxba Kala Socon Ee Ay Ku Kooban Tahay Saxaafada Oo Kaliya Waxaana Uu Yidhi "Arintaa Nimanka Saxaafada Ee Qoray Baa Nooga War Roon Anagu Wax Alaale Iyo Wax Aanu Kala Socono Kaluun Meel Ka Soo Caariday Ma Jirto Markaas Warakaas Saxafada Uun Baa Lagu Qoray Mana Garanayo Meel Ay Ka Soo Xigteen Runtiina Ma Hayano Arintaas.


Sidoo Kale Wasiirka Kalluumaysigu Waxa Uu Sheegay In Aanay Jirin Wax Markab Ah Oo Ku Soo Xidhay Magaalada Saylac Kaas Oo Laga Leeyahay Dalka Masar, Waxaana Uu Xusay In Wasaarada Kalluumaysigu Ay Xaq U Leedahay In Ay Maraakiibta Shisheeye Siiso Sharci Ay Kaga Kalluumaysan Karaan Xeebaha Somaliland Balse Xiligan Aanay Jirin Markab Ay Sharciyad U Siiyeen In Uu Ka Kalluumaysto Xeebaha Degmada Saylac . Ugu Dambayn Wasiirka Kalluumaysigu Waxa Uu Ugu Baaqay Kalluumaysata Reer Somaliland In Ay Ka Faaidaystaan Kalluunka Ka Buuxa Xeebaha Dalku Leeyahay Isla Markaana Haddii La Helo Kalluumaysto Reer Somaliland Laga Maarmayo Ama Laga Joojinayo Kalluumaysiga Dadka Shisheeye Ee Ogaanlaansha Loo Siiyo.







Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com