Saraakiil ka tirsan Ciidanka Qaranka Oo Ka Hadashay Qabsashadooda Taleex Iyo Sida Ay Diyaarka Ugu Yihiin Inay Sugaan Xuduudaha Somaliland

0
Tuesday April 15, 2014 - 18:17:43 in by Super Admin
  • Visits: 904
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saraakiil ka tirsan Ciidanka Qaranka Oo Ka Hadashay Qabsashadooda Taleex Iyo Sida Ay Diyaarka Ugu Yihiin Inay Sugaan Xuduudaha Somaliland

    ciidanka Somaliand ayaa la wareegay gacan ku haynta Degmada Taleex ee gobolka Sool, halkaasi oo ahayd fadhiisinka kooxda nabad-diidka ah ee Khaatumo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

ciidanka Somaliand ayaa la wareegay gacan ku haynta Degmada Taleex ee gobolka Sool, halkaasi oo ahayd fadhiisinka kooxda nabad-diidka ah ee Khaatumo.

Sida aanu idiinku soo gudbinay war bixintii hore ciidanka Somaliand ayaa la wareegay gacan ku haynta Degmada Taleex ee gobolka Sool, halkaasi oo ahayd fadhiisinka kooxda nabad-diidka ah ee Khaatumo.


Afhayeenka ciidamada Qaranka Somaliland, Kornayl, Cismaan Cabdillaahi Siciid, oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee idaacadda BBC-da ayaa faahfaahiyey sidii ciidamadu u qabsadeen degmada Taleex, waxaanu sheegay in aanay wax iska caabbin ah kala kulmin Maleeshiyaadka Khaatumo "Taleex waa Degmo ka tirsan Somaliland saakana waxa gaadhay ciidamada Somaliland oo kormeer ku tagay” ayuu yidhi, afhayeenku waxaanu intaasi ku daray "Haba yaraatee ma jirto wax dagaal ah iyo wax iska caabbin ah oo ka horyimid ciidanka” ayu yidhi


Afhayeenku waxa uu sheegay in ciidanku ay halkaasi u tageen si caadiya "Ciidanku si caadiya ayuu u tagay waana lagu soo dhoweeyay, ciidankuna wuu tagayaa meel kasta oo Somaliland leedahay, Somaliya iyo cid kasta oo nagu soo gardarootana waanu iska difaacaynaa…”


Mar la waydiiyay Kornaylka inay qaadayaan masuuliyadda wixii halkaa ka yimaadda waxa uu ku jawaabay "Annagu qaadi mayno Masuuliyadda, laakiin waxaanu diyaar u nahay cid kastoo naga hor timaada ama na soo gardaraysata inaanu iska difaacno” ayu yidhi






Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com