Madaxweyne Siilaanyo oo La Taliyaha Dhinaca Hay'adaha Caalamiga ah u Magacaabay Safiirkii Hore
Date: -15/ 04/2014
War-saxaafadeed
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu Digreeto Madaxweyne oo sumadeedu tahay, JSL/M/XERM/249-2414/042014 ku magacaabay La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Hay’adaha Caalamiga iyo Kuwa Maxaliga ah.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Hay’adaha Caalamiga iyo Kuwa Maxaliga ah;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo magacaabidda jagadan;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu Ku-qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday
In Mudane, Cabdifataax Siciid Axmed Guuleed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Hay’adaha Caalamiga iyo Kuwa Maxaliga ah.
ALLAA MAHAD LEH
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
Madaxweyne Siilaanyo oo La Taliyaha Dhinaca Hay'adaha Caalamiga ah u Magacaabay Safiirkii Hore
Somaliland u fadhiyi jirey Waddanka Ireland Ambasaddor Abdifatah Sicid Axmed, iyo Warsaxaafadeed Magacabistaas ku saabsan oo ka soo baxday Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada ayaa u Dhignayd Sidan: