DAAWO: MADAL BALADHAN OO LAGAGA HADLAYAY SIDII LOOGA QAYB-QAADAN LAHAA DHISMAHA WARSHADA HARGAHA BURCO OO LAGU QABTAY MAGALADA BURCO

0
Tuesday April 15, 2014 - 23:33:26 in by salman abdi
  • Visits: 1296
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DAAWO: MADAL BALADHAN OO LAGAGA HADLAYAY SIDII LOOGA QAYB-QAADAN LAHAA DHISMAHA WARSHADA HARGAHA BURCO OO LAGU QABTAY MAGALADA BURCO

    Munaasibad Baladhan Oo Lagu Shacinayay Sidii Looga Faidaysan Lahaa Shurakada Warshadda Hargaha Magalada Burco ayaa Maanta Lagu Qabtay Hotel Deero.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasibad Baladhan Oo Lagu Shacinayay Sidii Looga Faidaysan Lahaa Shurakada Warshadda Hargaha Magalada Burco ayaa Maanta Lagu Qabtay Hotel Deero.

Kulankani Oo ahaa Mid Si Baladhan Loo Soo Agasimahay ayaa Waxa ka Goob-Joog ka ahaa Maayir ku Xigenka Degmada Burco,Ganacsatada Reer Togdheer,Madax ka Socotay Haayadda ILO,Cuqaal iyo Marti Sharaf Kale Duwan,

Ugu Horaynba Waxa Xafladaasi ka Hadlay Maayir ku Xigenka Degmada Burco Muxumed Xasan Jaamac (Xoday) Waxaanu ku Dheraday Qiimaha ay Warshadani u Ledahay Dalka Gaar ahaana Gobalka Togdheer.
 
Waxaana ka Mida ahaa Hadalidisii "Waxaan Aad Ugu Faraxsanahay in Aan Maanta Goob-Joog ka ahado Munaasibad Lagu Daahfurayo Sidii ay Gacansatada Reer Togdheer Uga Qayb-Qaadan lahayeen Dibu Habaynta iyo Kicinta lagu Samaynayo Warshada Hargaha Burco,Aad Baan ka Dowlad Hoose ahaan usoo Dhawaynaynaa Warshadani Anaguna ka Dowlad Hoose ahaan Door waynbaanu ku Leenahay Hirgalinta Warshadani,Waxaan Halkan Baaq Uga Dirayaa Shacabka iyo Ganacsatada Reer Togdheerba inay ka Qayb-Qaatan Sheerka Loo Furay Warshadani si Loo Kiciyo" Ayuu Yidhi Maayir ku Xigenka Degmada Burco

Isu-Duwaha Wasaradda Ganacsiga Togdheer Cabdi Mahdi Oo isaguna Halkaasi ka Hadlay ayaa Shegay inay Wasarad ahaan Diyaar u Yihiin Sidii ay Kaalintoda Uga Qayb-Qaadan Lahayeen Hirgalinta Warshadani Oo Uu Shegay inay Tahay Mid ay Dad Shacab ahi Leeyihiin.
 
Waxaanu Sidoo Kale Isu-Duwahani Shegay inay Diyaar Yihiin Sidii ay Ganastada Ugu Dhiiri-Galin lahayeen Hirgalinta Warshado Laga Hirgaliyo Dalka.


Mr: Cabdi Xamiid Maxmed Cumar Oo isaguna ka Socday Haayadda ILO Oo isaguna Munaasibadaasi ka Hadlay ayaa Shegay in Ganacsatada Reer Burco Looga Baahan Yahay inay ka Qayb-Qaatan Dibu u Furista Warshada Hargaha Burco, Waxaana ka Mid ahaa Hadalidisii "Maanta Waxaynu isugu Nimi inaynu Qabano Shir aynu Dib Ugu iclaminayno in Dib Loo Kiciyo Warshadii Hargaha,Sidaynu ka Wada Warqabno Burco Waa Sayladda Ugu Wayn Somaliland,Waxa Kale Oo aynu Ognahay Maadama ay Burco ku Taalo Sayladda Dalka Ugu Wayn Hadii Dib Loo Furo Warshadaasi Hargaha inay Haysato Suuq Wayn Maadama Xolihii Ugu Badnaa Burco Laga Dhoofinayo,Sidoo Kale Waxay Warshadani Faido Ugu Leedahay Bulshada inay Shaqo ka Heli-Donaan Shaqaale Tirro Badani Taasi Oo ka Qayb-Qaadan Doonta Koboca Dhaqaale Ee Degmada Burco" Ayuu Yidhi Cabdi Xamid

Xildhiban Cabdi-Raxmaan Laki Oo isaguna ka Mid ah Xildhibanada Golaha Degaanka Burco Oo isna Xafladasi ka Hadlay ayaa Soo Bandhigay Marxaladihii Kale Duwanaa Ee ay soo Martay Warshadani Sida Maanta Loogu Baahan Yahay in Dib Loo Soo Kiciyo Warshadani.
Waxaana ka Mid ahaa Hadalidisii "Waxaan Jecelahay in Aan inyar Fahfahiyo Foramkan Sidii Loo Sameyay,Fooramkan waxa la Aasasay Sanadkii 2011,Waxa Uu ka Kooban Yahay Qaybaha Bulshada Sida Ganacsatada,Dowladda,iyo Bulshada inteeda Kale,Ujeedada Loo Aasasay Waxa Weyaan Sidii Loo Horumarin Lahaa Dhaqalaha Degmada Burco,Waxaana ilaa Hada Qabsomay ilaa sadex Mashruuc Oo Kala ah Hiliblaha Burco Oo Tababar la Siiyay,Mashruca Bayn Gaaska Oo Aanu ugu Tallo-Galnay in Lagu Bedelo Dhuxusha Oo isaga la isticmaalo,Warshada Hargaha Burco Oo Loo Sameyay Visibilty iyo Business Plan,Waxaan Aad Ugu Mahad Celinaynaa Dhamaan Dadki Fooramkan Aasasay,intaasi ka Dib Hadii Aan ka Soo Gudbo Ujeedada Maanta aynu isugu Nimi Waa inaynu Maalgalino Warshada Oo aynu Kicino" Ayuu Yidhi Xildhiban Laki


C/Raxmaan Walaleye Oo ah Gudomiye ku Xigenka Gudida Warshada Hargaha Waxaana ka Mid ahaa Hadalidiisi Anigu Waxa Aan ka Mid ahay Aasasayashii "Warshada Muddo Dheer Bay ahayd Runtii Wakhti Yarna Way Shaqaysay,Warshadu Way istagtay Dhaqaale La-aana Way u istagtay,Mashinadii Warshadu way Yalaan Waanay Shaqaynayaan,Warshada Haba-Yaratee Wax ka Maqani ma Jiraan Dhaqaale Mooyane,Waxaanu Maanta Dadka Ugu Busharaynaa Oo Aanu u Shegaynaa in Aanu Furnay Sheerarkii Laga Qayb Qadanayay Warshada" Ayuu Yidhi C/Raxmaan Walaleye

Sidoo Kale Waxa iyaguna halkaasi ka Hadlay Qaar ka Tirsan Ganacsatada Gobalka Togdher Waxaanay Soo Dhaweyeen ka Qayb-Qaadashada Warshada Hargaha Burco Oo ay Shegeen inay Tahay Mid Faido Badan u Leh Bulshada Gobalka Togdheer.

Ugu Danbayntii waxa Halkaasi Lagu Soo Bandhigay Qaabka ay Warshadaasi u Shaqayn Doonto iyo Waliba Sida ay Ganacsatadu Ugu Darsan karaan Sheerka




Afkashacabka.com
Burco/Office
Somaliland