Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelintamaanta isku shaandheyn ku sameeyay madaxa waaxaha iyo qeybaha kala duwan ee Wasaaradda oo dhan.
Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa maanta isku shaandheyn ku sameeyay madaxa waaxaha iyo qeybaha kala duwan ee Wasaaradda oo dhan.
Sidaasna waxa uu ku sheegay Wasiirka Warfaafintu wareegto uu soo saaray oo u dhignayd sidan:-Wasiirku waxa uu ku soo kordhiyay masuuliyiinta wasaaradda Suxufiga weyn ee ruug cadaaga ah ee Xuseen Aw- Jaamac Jibriil Xagar oo dhawaan ka tagay shaqadii Weriyaha goboladda barriga ee laanta afsoomaaliga ee BBC-da, waxa kale oo Wasiirku xubno ka mid ah madaxda waaxaha ayuu dib ugu magacaabay xilalkii ay hayeen, halka qaar kalena uu u magacaabay meelo kale.
"Anigaoo ah Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta ee Jamuuriyada Somaliland,waxaaan halkan ku soo saarayaa iskushaadhayn Waaxaha Wasaarada aniga oo tixgalinaya ahmiyada wayn ee ay Qaranka u leedahay Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta.
Waxa waajib Qaran ah in la helo shaqaale tayo sare leh si ay u gudato waajibaadka Qaranka ay masuulka uga tahay.
Sidaa daraadeed, waxaan idinla socodsiinayaa in laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 14/04/2014 aan magacaabis xilal cusub iyo dib u magacaabis u sameeyay waaxaha Wasaarada ee hoos ku xusan:-
1. Agaasimaha Maamulka, Maxamed Sh. Maxamed Cawaale
2. Agaasimaha Farsamada, Eng. Axmed Saleebaan Wayne
3. Agaasimaha Idaacada, Siciid Aadan Cigge
4. Agaasimaha Qorshaynta iyo Wacyigelinta Axmed Ismaaciil Xuseen "Cirro”
5. Agaasimaha Waaxda Dhaqanka Cabdi Maxamed Jaamac
6. Gudoomiyaha DAWAN Maxamed Cisman Mirre
7. Gudoomiyaha Solna Xusseen Aadan Yuusuf
8. Agaasime Ku/xigeen Farsamada C/laahi Aadan Maxamed
9. Gudoomiye Ku/xigeenka Solna Yuusuf Maxamed Ismaacil
10. Gudoomiye Ku/xigeenka DAWAN Cumar Maxamed Aw Faarax
11. Madaxa Wararka TV-ga Maxamed Saciid Muxumed
12. Madaxa shaqaalaha Mawliid Maxamed shaqale
13. Tafatiraha Guud ee TV-ga Xuseen Jaamac Jibriil (Xagar)
14. Kaaliyaha Tafatiraha Guud ee TV-ga Maxamed Xuseen Cali
15. Madaxa Barmaamujyada TV-ga Xuseen C/laahi Deeqsi
16. Madaxa Editorka Ismaciil Maxamed Cakuule
17. Xisaabiyaha Wasaarada C/rashiid Daahir Cali
18. Madaxa Kaydka TV-ga Axmed Jaamac Faarax
19. Ku/xigeenka Madaxa Kaydka Axmed Aare
20. Madaxa Bakhaarka (Store) Maxamed Maxamuud Burgal
21. Kaaliyaha Bakhaarka (Store) Mustafe Yuusuf Ibraahim
22. Madaxa Qorshaynta Salma C/raxmaan Sheekh
23. Madaxa Wacyigalinta Jaamac Ismaaciil Xayd
24. Madaxa Barmaamijyada Radio Hargeysa Khadar Max’ed Cakuule
25. Ku xigeenka Madaxa Barmaajyada Radio Hargeisa Faysa Cali Xuseen
26. Madaxa kaydka Idaacada Nimco Rooble Faarax
27. Madaxa Online ka Safiya Cali Yuusuf
28. Madaxa Gaadiidka Maxamed Axmed Cali "Curi”
29. Madaxa laydhka iyo Mishiinada Jaamac Axmed Faarax
30. Madaxa Warlaliska Idaacada Cabdi Aadan Ismaaciil
31. Madaxa Istuudyaha Idaacadda Maxamed Jaamac Cigaal (Jarmal)
32. Madaxa Isku Xidhka istuudiyaha iyo Warlaliska Maxamed Cabdi Idiris
33. Madaxa Idaacada quraanka Maxamed Axmed Cabdilaahi "Shabeel”
34. Madaxa Farsamada Idaacada Quraanka Maxamed Axmed Cali "M.Deeq”
35. Madaxa Tafatiraha Englishka TV-ga Aadan Maxamed Cismaan
36. Madaxa Tafatiraha Carabiga TV-ga Axmed Xasan Aadan
37. Madaxa Dukmanteriga C/qani Xasan Faarax
38. Madaxa Baahinta Dibada TV-ga Axmed Maxamed C/raxmaan "Ugaas”
39. Madaxa Baahinta Gudaha TV-ga Sidiiq Ismaaciil Axmed
40. Ku-xigeenka Madaxa Barnaamijyada TV-ga C/risaaq Cismaan Maxamed
41. Madaxa Warlaliska TV-ga Nuur Cumar Jaamac
42. Madaxa IT-ga Wasaarada Xuseen Cali Caraale
43. Ku- xigeenka Madaxa Satalliteka Maxamed Yuusuf Dhamac
44. Ku xigeenka Madaxa Wararka TV-ga Cali Axmed Cawaale "Canadhame”
45. Madaxa Studio-yaha TV-ga Xasan Maxamed Jaamac "Panaroma”
46. Ku xigeenka Madaxa Studio-yaha Tv-ga Sharmaarke Maxamed Faarax
47. Madaxa Kamaramanada (Cameraman) Axmed Xuseen Warsame
48. Ku-xigeenka Madaxa Wacyigalinta Nafiisa Maxamed Xuseen
49. Madaxa Monitoringka TV-ga Axmed Saxardiid Xirsi
Waxaan idiin rajaynayaa in aad si xilkasnimo leh uga soo bixi doontaan howsha la idiin igmaday. Sidaa iyo wada shaqayn wacan. Allaa Mahad Leh”
Afkashacabka.com
Hargeysa /Office
Contact@afkashacabka.com
Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelintamaanta isku shaandheyn ku sameeyay madaxa waaxaha iyo qeybaha kala duwan ee Wasaaradda oo dhan.
Sidaasna waxa uu ku sheegay Wasiirka Warfaafintu wareegto uu soo saaray oo u dhignayd sidan:-