NICKOLAS KAY WAKIILKA QARAMADA MIDOOBAY U QAABILSAN SOMALIA OO KU BAAQAY IN XAALADA TALEEX LA DEJIYO

0
Wednesday April 16, 2014 - 16:19:54 in by Super Admin
  • Visits: 663
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    NICKOLAS KAY WAKIILKA QARAMADA MIDOOBAY U QAABILSAN SOMALIA OO KU BAAQAY IN XAALADA TALEEX LA DEJIYO

    Wakiilka Qaramada midoobay u qaabilsan Somalia Nicholas kay ayaa Somaliland iyo Puntland ugu baaqay inay dejiyaan Xaaladda degaanada taleex

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wakiilka Qaramada midoobay u qaabilsan Somalia Nicholas kay ayaa Somaliland iyo Puntland ugu baaqay inay dejiyaan Xaaladda degaanada taleex Wakiilka Qaramada midoobay u qaabilsan Somalia Nicholas kay ayaa Somaliland iyo Puntland ugu baaqay inay dejiyaan Xaaladda degaanada taleex ee Gobolka Sool.Ciidanka Somaliland ayaa shalay tagay Taleex oo xarun u ahayd Khaatumo. 

Qoraal Ergayga Qaramda midoobay Mr Kay soo saaray oo uu ku baahiyey Boggaga uu ku leyahay Internetka ayaa u dhignaa sidan:

"Waxaan ku baaqayaa in la muujiyy dheganaansho,xaaladda laguma xalin karo hab ciidan, dhamaan dhinacyada ay arrintu khuseyso waa in ay muujiyaan dulqaad, kuna kicin ficil keeni karo dagaal,waana in ay sida ugu dhaqsaha badan u damiyaan buuqa jira ama u qaboojiyaan xaaladda,waana in ay ku xalliyaan arrimahoodda si ay ku dheehantahay xasilooni, nabad iyo isu tanaasulid,dadka Soomaaliyeed way soo dhibtoodeen in ku filan,waxeyna ogyihiin in wax wanaag ah aan lagu gaareeynin dagaal iyo amni la’aan.xafiiska UNSOM iyo Bulshada Caalamka ayaa labaduba ku
 baaqaayo in la muujiyo dulqaad aad u weyn. Waxaan diyaar u nahay inaan dhinacyada ka taageerno wixii dhexdhexaadin ah” ayu yidhi Nickolas kay




Contact@afkashacabka.com