QIIMAHA CADAALADA.. WQ: Abdifatah Basher Hassan

0
Tuesday May 06, 2014 - 19:47:29 in by Super Admin
  • Visits: 1668
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    QIIMAHA CADAALADA.. WQ: Abdifatah Basher Hassan

    Diinta islaamka Cadaalada waxa ay kaga jirtaa door muhiim ah Waa mowduuc aad u weyn oo xiriir la yeelanaya dhaqaalaha, bulshada, hogaanka iwm.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Diinta islaamka Cadaalada waxa ay kaga jirtaa door muhiim ah Waa mowduuc aad u weyn oo xiriir la yeelanaya dhaqaalaha, bulshada, hogaanka iwm.

QIIMAHA CADAALADA


Hordhac


Allaah ayaa mahad oo dhan iska leh, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa ha ahaato waxaan kaloo umahd celinayaa saxaafada somaliland.


Diinta islaamka Cadaalada waxa ay kaga jirtaa door muhiim ah Waa mowduuc aad u weyn oo xiriir la yeelanaya dhaqaalaha, bulshada, hogaanka iwm. waxaana lagu sheegay quraanka & sunaha sidoo kale waxaa jira aayado iyo xadiisyo badan oo kusoo arooray in cadaaladu tahay shay muhiim ah u ah dhismaha/jiritaanka shaqsiyadeed, qoyseed & Midka qowmiyadeedba.

Fikrada cadaalada waxa ay la xiriirtaa sinaanta xaqa iyo runta iyadoo aan la isku kala saareynin sababo la xiriiro midab, dhalasho ama mararka qaar diin. Cadaaladu makala laha sareyn, nasab, hanti ama sharaf waa mid ay tahay in loo wada sinaado shaqsi walbana ay qabato si isku mid ah.

Cadaalad in la bixiyo waa mid ka mid ah asbaabaha ay u taagnaan karto dowlad islaam ah hadiise la waayo waxaa la waayi madaxda iyo dowladaa sidii loo waayay Qadaafi iyo Xusni Mubarak. Mararka qaar waxaa dhacda dunida in cadaalada aanan la helin in badan sidoo kalana in cadaalada aysan helin dadkii mudnaa tusaale ahaan inaan si saxan bulshada xoolaheedi ama xaqeedi loogu maamulin.

Cadaaladu waa waajib. Erey ahaana cadaalad micnaheedu waa isku dheelitirnaan. Sida aan kasoo xiganaayo Cimlaaqi aqooneed ee masaariga ahaa Dr. Sayyid qutb wuxuu yiri cadaalada bulshadeed waxa ay ka kooban tahay seddex sheey:
1) In qofka xurnimo dhameystiran u lahaado dareenkiisa/keeda.
2) In bani’aadmigu sinaado {Waxyaalaha Qaar}
3) Isku xirnaanta bulshada taasoo micnaheedu yahay kasoo bixida masuuliyada bulshadeed micnaheeduna ma aha dareen ahaan ee waa qaadida ficilo dhab ah sida bixinta zakada Hadiise ay jirto in ay baahida bulshada kaafin weydo waa in lacag dheeri ah laga qaadaa dadka wax heysta.

Nabigeena Maxamad {NNKH} wuxuu yiri todobada qof ee aakhiro hadhka ilaaheey hadhsanaya waxaa ku jira shaqsi u cadaalad falay dadkii uu xukumayay. Waxaa markaa muhiim ah in cadaalad darada laga fogaado. Cadaalada waxeey keentaa nabada, Midnimada, horumarka dhinacyadiisa kala duwan xag buslsho, xag Aaqooneed, dhaqan dhaqaale & ilbaxnimo. Gardarada iyo isbidida awooda ee koox, Qabiil ama reer isbidaan kuna dulmiyaan kuwo kale ayaa waxa ay cadaalad daro soo jireen ka aheyd soomaalida in badan. Cadaaladu wax walba ayey soo galeeysaa oo ay ka mid yihiin:


HogaankaQofka wax xukumaya iyo cadaalada
Shaqsigaa wax xukumaya waxuu noqon karaa madaxweyne, Qareen maxkamadeed ama qof mudan sida oday dhaqameed oo gar goynaya ama looga fadhiyo sameynta cadaalada waxaa qasab ah in go’aankaa la mariyo cadaalada. Ilaaheey wuxuu jecel yahay quraankana ku yiri dadka cadaalada sameeyo hadii ay waxa ay xukminayaan haku saleeyeen cadaalada. Sidoo kale qofka furaya marqaati hadaladiisa haku saleeyo run iyo sida dhabta ah ee wax u jiraan.



Dhexdhexaadinta bulsho iyo Cadaalada
Waxaa sidoo kale muhiim ah in cadaalada ay noqoto aalad la adeegsado marka bulsho la dhexdhexaadinayo gaar ahaan bulsho burburtay oo arinteedu murugsan tahay waxaa lagama maarmaan ah in adeegsiga cadaalada ay wax badan soo dhiseyso. Dhexdhexaadintaa ayaa waxeey noqon kartaa labbo koox oo dagaalamay, Labo qabiil oo colaadi dhexmartay, Ninki & xaaskiisa, labbo dowladood oo dagaalamay waxaa waajib ah in cadaalad laga sameeyo dhamaan.



Wadaagida, U sinaanta Fursadaha, iyo ilaha dhaqaale ee dalka
Fursadaha shaqo, waxbarasho, dalacsiin, adeeg, taakuleyn iyo in kale oo badanba waxaa bulshadu ay u baahan tahay in ay u sinaato si cadaalad ahna u qeybsato. Kartida iyo aqoonta in lagu qiimeeyo qofka laguna kala saaro dadka waa muhiim. Ka gudbida reer hebel iyo koox hebel in laga tago oo cadaalad loo gudbo ayaa qasab ah wax walbana lagu wadaago cadaalad hadii ay noqon laheyd waxbarasho oo tusaale ahaan hadii deeq waxbarasho la helo dhamaan gobalada dalka si isku mid ah u qeybsadaan sidaa si la mid ahna shaqooyinka iyo adeegyada bulshada. Wey adag tahay in si dhaqso ah lagu helo cadaalada noocaan ah balse waxeey u baahan tahay dadaal badan. Dunida taariikhdeeda waxaa bogag badan ku qoran cadaalad daro iyo gardarooyin badan tusaale ahaan dalka mareykanka oo ah dal xurnimada, dimuqraadiyada iyo horumarka ku faana waxaa taariikhdiisa ka mid ah cadaalad daro badan oo midab takoorka uu ugu weynaa iyada oo waxyaabo badan oo kalana jireen.



Aad baad umahadsantihiin akhristayaasha iyo saxaafada Somaliland



Qalinkii Abdifatah Basher Hassan

basherson@gmail.com

burao,togdheer,somaliland