Shirkad Chine Ah Oo Xaqiijisay In Ilaa 500 Oo Kun Oo Macdan Ah Ay Dalka Ku Jirto.

0
Saturday May 10, 2014 - 11:55:33 in by salman abdi
  • Visits: 1063
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkad Chine Ah Oo Xaqiijisay In Ilaa 500 Oo Kun Oo Macdan Ah Ay Dalka Ku Jirto.

    Wasiirka Macdanta Iyo tamarta Somaliland Eng. Xuseen Cabdi Ducaalle ayaa shaaca ka qaaday in shirkad Chinese ahi ay u keentay warbixin la xidhiidha sahano ay ku samaysay khayraadka dalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Macdanta Iyo tamarta Somaliland Eng. Xuseen Cabdi Ducaalle ayaa shaaca ka qaaday in shirkad Chinese ahi ay u keentay warbixin la xidhiidha sahano ay ku samaysay khayraadka dalka

oo ay ku caddaysay inay Somaliland ku jirto macdan xadigeeda lagu qiyaasay illaa shan Boqol oo kun oo tan.

Wasiirka Macdantu waxa uu sidaas ku sheegay mar uu shalay u warramayay warbaahinta, waxaanu tilmaamay in sahanadda lagu doonayo in Somaliland kula soo baxdo khayraadkeeda dabiiciga ahi meel wanaagsan marayaan.

"Horta heshiisyadaa hor dhaca ah ee baadhida shidaalka iyo macdanta, waxa jira wax natiijo noo keenay oo yidhi wax baanu helnay, shirkad Chinese ah oo la yidhaahdo African Research Co’orperation oo tidhi macdan illaa 500,000 kun oo tan ah, baanu haynaa, taana wali heshiis rasmi ah lamaanaan gelin oo waxaa jira shuruudo badan iyo baadhitaanno kale oo ah oo ay tahay inaynu wada galno markay soo diyaar garoobaan,”ayuu yidhi Wasiir Xuseen Cabdi Ducaalle.

Wasiirku waxa uu soo qaaday in marka shirkadaasi ay soo diyaar garowdo heshiiska dawladdu la gasho la horgeyn doono Golaha Wasiirrada Somaliland "Waxa heshiiskaa rasmiga ah la horgeyn doonaa Golaha Wasiirrada Somaliland.” Wasiirka Macdantu waxa uu sheegay in shirkadaha ay la galeen shiidaal baadhistu ay hawshooda bilaabi doonaan marka la sameeyo ciidan gaar ah oo ilaalin doona hawsha shiidaal baadhista, isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi "Xagaa shidaal baadhista waxaanu heshiisiyo hordhac ah kula jirnaa illaa afar shirkadood kuwaasi waxay sugayaan in la sameeyo ciidamo kuwa Somaliand ah oo si gaar ah u tababaran oo ilaaliya hantidaa iyo shaqaalaha taasi oo dunida oo dhan ka jirta, waana ka war qabtaan mandaqada ay Somaliland ku taallo.Insha Allaa dhawaan ayaanay hawlahooda bilaabi doonaan, kalsooni buuxda ayaan ka qabaa in ay hawshaasi bilaabanto, walina waa baadhis waxaynu wadnaa.”

Wasiirka Tamarta oo la weydiiyay inuu hayo xal lagaga baaqsado dhuxusha oo dhaawac weyn ku haysa bad-qabka deegaanka dabiiciga ah, waxa uu yidhi "Shirkada Chine ah oo aanu dhawaan la galnay heshiis macdan baadhista ah, ayay qorshaha ugu jirtaa inay baadhaan dhuxul dhagaxda, walise ma hubno inay dhuxushaasi noqon doonto mid dalka iyo dibada loo dhoofin karo baadhistiina way socotaa.”

Wasiirka Xuseen oo aanu waydiinay inay jiraan caqabado Somaliand ka hor jooga, maalgashi caalami ah, waxa uu yidhi "Waxaa jira caqabado innaga inoo gaar ah, oo ay ka mid tahay, mandaqada aynu ku naalno oo ah mid nabadgelyadeeda aad looga dayriyo inkasta oo Somaliland ay ka jirto nabadgelyo taam ahi.”

"Sharaa’iga imika innala jooga wasaarad ahaan iyo xukuumad ahaanba, waxaanu ka galnay dedaal balaadhan, waxaa dedaalkaasi inoo suurogeliyay nabadaa shacbiga, xukuumadba laga wada shaqeeyay waxaa imika dalkeenna jooga shirkado reer Yurub ah, kuwo Carab ah iyo kuwo Chinese ah oo dhammaan inala galay heshiisyo maalgashi ah oo hordhac ah,”ayuu yidhi Wasiirka Macdantu. Caqabada se Somaliland u gaar ah ihi waa ictiraaf la’aanta oo wax badan inaga hor joogta, waxaase ina caawinaya oo dadaalkaa kaabayaa waa nabadgalyada, oo cid walba soo jiidanaysa, ayna inala joogaa oo maalgalinayaa dalkeena shirkado waaweyn oo la yaqaano.”ayuu yidhi Wasiir Xuseen


Afkashacabka.com

Hargaysa/Office

Contact@afkashacabka.com