Qaar Ka Tirsan Dadweynaha Caasimada Oo Cabasho Ka Muujiyey Cashuuro Dawlada Hoose Ee Hargaysa Ku Kordhisay.

0
Saturday May 10, 2014 - 11:59:25 in by salman abdi
  • Visits: 883
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaar Ka Tirsan Dadweynaha Caasimada Oo Cabasho Ka Muujiyey Cashuuro Dawlada Hoose Ee Hargaysa Ku Kordhisay.

    Qaar ka mid ah dadweynaha ku dhaqan caasimadda Hargeysa, ayaa cabasho xooggan ka muujiyey cashuuro dawladda Hoose ku kordhisay oo ay sheegeen in aan laga ansixin Golaha Wakiillada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaar ka mid ah dadweynaha ku dhaqan caasimadda Hargeysa, ayaa cabasho xooggan ka muujiyey cashuuro dawladda Hoose ku kordhisay oo ay sheegeen in aan laga ansixin Golaha Wakiillada.


Qoraal wata risiidho dawladaha hoose lacagaha ku qabtaan oo qaar ka mid ah dadweynuhu u soo gudbiyeen Jamhuuriya, ayey ku sheegeen in cashuurta jeexista dhulka si xooggan loo kordhiyey, lagana dhigay $200 doollar, halka ay markii hore ka ahayd 80 kun oo shillinka Somaliland ah (80,000 SLSH), kuwaasoo madaxweynaha iyo Golaha Wakiillada ugu baaqay in loo caddeeyo xeerka lagu kordhiyey cashuurtaas xad-dhaafka ah, haddii aannu xeerkaasi jirina wax laga qabto dawladda Hoose ee Hargeysa.

Maayar-Soltelco

"Golihii Degaanka ee cusbaa markii laga joojiyey dhulkii danta guud ahaa ee ay boobayeen, waxay uga digo-rogteeno inay cashuuro xad-dhaaf iyo dhabar-jab ku ah bulshada ku soo rogaan, waxayna Golaha Degaanka Caasimadda Hargeysa isku qaateen inay yihiin Golaha Wakiillada ee awooda u leh kordhinta, dhimista iyo wax-ka-beddelka cashuuraha, Golaha Degaankuna ma laha awooda cashuur kordhinta, balse waxay yihiin gole fulin ah oo ku shaqeeya xeerarka Golaha Wakiilladu ansixiyaan.

Cashuurta Golayaasha Degaanku qaadaan waxay ku caddahay Xeerka Ismaamulka Gobolada iyo Degmooyinka ee xeer Lr.23/2002, qoddobkiisa 86aad iyo xeer kale ee Maamulka Dhulka, xeer Lr. 17/2001. Xadiga cashuurta ay shay kasta ka qaadi karaana, waxay ku caddahay Xeerka Tacriifada cashuuraha midaysan ee Dawladaha Hoose ee xeer No. 12/2000.

Haddaba cashuurta jeexista dhulka oo xeer No. 12/2000 u jideeyey in laga qaado 80 kun oo shillinka Somaliland ah (80,000 SLSH), waxa ay hadda Golaha Degaanka Hargeysa ka dhigeen $200 doollar, arrintaasoo culays ku ah dadweynaha,” ayey dadka cabanayey ku yidhaaheen qoraalkooda.

Hasayeeshee, Maayirka Caasimadda Hargeysa Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Solteeco) oo Jamhuuriya khadka telefoonka kula xidhiidhay si arrintan wax looga weydiiyo, waxa uu qiray inay dhab tahay cashuurtaas ay kordhiyeen, isla markaana Xeerka Maamulka Gobolada iyo Degmooyinka ee xeer NO. 23/2002 awood u siiyey Golayaasha Degaanka inay wax ka beddeli karaan tacriifada cashuuraha, isagoo xusay in cashuurta jeexista dhulka dhismaha ah oo markii hore ahaa $100 doollar ay hadda ka dhigeen $200 doollar, halka cashuurta jeexista dhulka aan dhismaha ahayn ee la seesayo ka dhigeen 100 kun oo shillinka Somaliland ah, iyadoo markii hore ahayd 80 kun oo shillinka Somaliland, tallaabadaasna u qaadeen si loo helo dakhli lagaga shaqeeyo horumarka caasimadda iyo dhismaha waddooyinka.

"Sannadihii hore cashuurta jeexista dhulka dhismaha ah waxa laga qaadi jiray $100 doollar oo Golihii Degaanka ee naga horreeyey sharciyeeyey, sannadkana waxaannu ka dhignay $200 doollar oo anagaa kordhinay, tan kale ee 80 kun ahi waa cashuurta jeexista dhulka aan dhismaha ahayn ee la seesayo, waxaanan imminka ka dhignay 100 kun oo shillinka Somaliland ah, markaa isku mid maaha ee laba cashuurood ayey kala yihiin.

Haddii aqalka la dhisayo cabbirkiisu yahay 30×40 waa $150 doollar, haddii cabbirka gurigu intaas ka badan yahayna waa $200 doollar, waxa aannu sidaas u samaynayeyna waxa weeye in aannu ka shaqaynyo horumarinta caasimadda iyo dhismaha waddooyinka, markaa si horumarka looga shaqeeyo waa in cashuurta la iska bixiyo, lacagaha aannu qaadno maaha qaar aannu dano-gaar ah ku fushanayno, balse waxa aannu kaga shaqaynayaa bilicda caasimadda iyo horumarinta waddooyinkeeda,” ayuu yidhi maayirku.

Duqa caasimadda oo la weydiiyey inay Gole Degaan ahaan awood u leeyihiin kordhinta xaddiga cashuuraha ay qaadaan, waxa uu sheegay in Xeerka Ismaamulka Gobolada iyo Degmooyinka ee xeer No. 23/2002 awood u siiyey, isla markaana u madaxbannaan yihiin wax-ka-beddelka tacriifadda cashuuraha.

Waxaanna arrintaas jiddeeyey qoddobka 85aad ee xeer No. 23/2002 oo ka hadlaya dib-u-habaynta cashuuraadka, kaasoo u dhigan sidan;

"Dib-u-habaynta cashuuraadka

Maadaama ay ku kala tagsan yihiin Gobollada iyo Degmooyinku dhinaca dabeecadda, nolosha ijtimaaciga ah, ganacsiga, wax-soo-saarka, istraatiijiyadda Deegaan, darajooyinka, adeegyada Arrimaha Bulshada iyo dakhligaba, loona soo doortay Goleyaal Deegaan oo ah madasha xeer-dejinta u gaarka ah, isla markaana laga duulayo hoos u daadajinta Maamulka "Decentralization” waxay u madaxbannaan yihiin dejinta Tacriifada Khidmadaha u gaarka ah oo ku salaysan qiimeyn.

Gole kasta oo deegaan wuu u madaxbannaan yahay inay xadidaan tacriifahooda, kordhiyaan, dhimaan ama wax ka beddelaan, toosna u qaataan, waxayna ku soo saarayaan xeer-hoosaad.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa awood u leh ogolaanshaha Ansixinta diidmada iyo dib-u-celin iyo talo ka soo jeedin wax ka beddelid,” ayaa lagu sheegay Xeerka Ismaamulka Gobolada iyo Degmooyinka.

Waxa kale oo maayirka caasimadda Hargeysa ku baaqay in dadweynuhu si fiican u bixiyaan cashuuraha kala duwan ee ku waajibay si looga shaqeeyo horumarinta caasimadda iyo dhismaha jidadka.

"Sannadkii hore, cashuurta ardiyadda waxa bixiyey 50% dadweynaha caasimadda ee cashuurtaasi ku waajibtay, markaa si aan horumarka uga shaqayno, una helno dakhli bulshada loogu adeego, waxaan leeyahay si 100% ah u bixiya cashuurta ardiyada iyo cashuuraha kale ee dadweynaha ku waajibay, annaguna waxaannu ku dedaalaynaa in aannu ka shaqayno horumarka caasimadda, meeshana waxaannu u fadhinaa wax-qabad iyo in aannu horumar samayno,” ayuu yidhi maayirka caasimadda Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Solteeko).


Afkashacabka.com

Hargaysa/Office

Contact@Afkashacabka.com