"Annaga oo ixtiraam badan idiin hayna waxaanu idin leenahay idiinma soo soconno, midnimo dambe iska ilooba oo ha nagu lugu'ina.." UCID
Xisbiga UCID Oo Marti-qaad Iyo Farriimo Qadiyadda Somaliland Xambaarsan Isugu Ladhay Duqeydii Muqdisho Ka Yimid iyo Xisbiga Waddani oo Madaxtoyada Jawab ka sugaya
"Annaga oo ixtiraam badan idiin hayna waxaanu idin leenahay idiinma soo soconno, midnimo dambe iska ilooba oo ha nagu lugu’ina..” UCID
"Ogaada, Baydhabo, Kismaayo iyo Garoowe-ba Xamar-bay joogaan, laakiin idinkaa (Somaliland) naga maqan..” Guddoomiyaha beesha Hawiye.
Madax-dhaqameedka ka socda Magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya, ayaa markii ugu horeysay si caddaan ah uga hadlay ujeeddada socdaalkooda Somaliland, waxayna sheegeen inay u socdaan walaaleynta labada shacab ee Somaliland iyo Soomaaliya, si bay yidhaahdeen ay u fududaato in la dhex maro.
Madax-dhaqameedkan oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha beelaha Hawiye, Maxamed Xasan Xaad, ayaa sidoo kale iftiimiyey in dhex gal ka dhex bilaabmaya labada shacab ay horseed u noqonayso in la wadaago waxyaabo badan, si la mid ah dadyowga ku dhaqan Muqdisho, Garoowe iyo Kismaayo, hasa-yeeshee arrintaasi waxa ka biyo diiday isla-markaana caddeeyay in aanay dhicin Karin hoggaanka xisbiga Mucaaradka ah ee UCID oo shalay odayaashan u sameeyay casuumad lagu xog-wareystay.
Hoggaamiyaha odayaal dhaqameedka ka socda Soomaaliya, Maxamed Xasan Xaad, oo ka hadlayey casuumadda uu xisbiga UCID ugu sameeyay Huteelka Ambassador ee Magaalada Hargeysa, ayaa isaga oo faahfaahinaya ujeeddada socdaalkooda Somaliland, waxa uu yidhi "Annagu waxaanu nahay Guurti Soomaaliyeed oo ka soo kicitintay Magaalada Muqdisho, soona booqday Walaalahooda Somaliland, salaan ayaanu u nimid, Muhiimadda aanu u nimid waa is dhexgalka bulshada, Inaanu fududeyno in bulshada walaalaha ah ee Somaliland joogta ama Somaaliya inteeda kale joogta inay is dhex mari karaan, walaaloobi karaan, wax badan oo horumar ahna ay wadaagi karaan. Waxaad ogtihiin oo aad markhaati ka tihiin wufuud intaasi ka kooban oo Soomaaliya qaybaheeda ka kooban weli may imanin Somaliland, markaa waxaan is leeyahay waa taariikh cusub, markaa waxaanu doonaynaa inaanu waddadaas furno…”
Odey Xaad, waxa kale oo uu sheegay "Waxaanu jecelahay inaanu idin xasuusino in mar walba dadku ay isku baahan yihiin, waxaanu doonaynaa inaynu wadaagno arrimaha ishtimaaciga ah ee aanay ka fursan karin, taas ayaanu doonaynaa inaanu horseed u noqonno, si hadhow dadku ay awood ugu yeeshaan inay is dhex galaan..” ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey "Annagu Muqdisho ugamaanaan iman inaanu ku xiiqno oo aanu wakhti badan iska galinno "Gooni isku taaggu waa Muqadas iyo Midnimadu waa Muqadas”, taas inaad ogaataan ayaanu jecelahay…”
Guddoomiyaha beelaha Hawiye, waxa uu ku taliyey in reer Somaliland ay reer Soomaaliya ku qanciyaan waxa ay ku qanceen ee ah gooni isku taagga "Meesha wixii aanu raadinaynay oo maqan-baa nooga muuqda, waana wadahadal la’aan, annagu waxaanu u nimid inaanu wax ogaanno, idinkana way idinku haboon tahay inaad sidaas oo kale aad Koonfurta ka raadisaan, gooni isku taaggu Hargeysa ma yaallo, ee meesha uu idinka jiro (idinka yaallo) inaad ka raadisaan aad-bay u fiicnaan lahayd, cidda wax idinka dhexeeyaan ka doona (Soomaaliya), oo ku qanciya waxaad idinku ku qanacdeen, taasina waa iga talo, waayo bahasha daahaba lagama furin, lama wadahadal oo dadku isma ogaanin…”ayuu yidhi,
waxaanu intaasi ku daray, isaga oo socdaalkooda Somaliland ka fogeynaya inuu siyaasad ku lug leeyahay "Markaa, walaalayaal haddaad qabteen inaanu barnaamij siyaasadeed la hullaabanahay ka fayoobaada, taasina meesha kuma jirto oo annaga ayaa isa soo abaabulley, barnaamijkayaguna waa mid shacab, oo shacabkii Soomaaliyeed ee aanu ka nimid ayaanu ka wakiil nahay, dawladda kama wakiil nihin..”
Guddoomiyaha beelaha Hawiye, oo ka jawaabayey hadal masuul UCID ka mid ahi khudbaddiisa ku soo daray oo ahaa in waxa ay Somaliland ka baadi doonayaan ka doonaan Baydhabo, Kismaayo ama Garoowe, ayaa yidhi "Waxaan doonayaa inaan ka jawaabo hadalkii ahaa, annaga (na taga) oo Baydhabo iyo Kismaayo taga, Baydhabo, Kismaayo iyo Garoowe-ba Xamar-bay joogaan, laakiin idinkaa (Somaliland) naga maqan, taasna ogaada..”
Ku xigeenka xoghayaha guud ee xisbiga UCID, ahna ku simaha xoghayaha guud, Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax), oo hadalka kaga dambeeyay Guddoomiyaha beelaha Hawiye, ayaa isaguna yidhi "Madax-dhaqameed 23 sanadood ka bacdi soo booqda Somaliland, waanu isweydiinaynay oo waxaanu lahayn malaha nimanku ictiraafkii ayay idiin wadaan, laakiin is-dhex-gal bulsheed iyo wax baanu idinka baranaynaa idinkamaanaan filayn, waayo weli boogihiibaa nagu yaalla, daarahaa maanta dhisan ee aad arkaysaan tacabbay ku dhismeen, iyaga oo gidaar ka taagan yahay ayaanna waddanka lagu soo noqday. Midnimadana, annagaa markii hore geynay Xamar, annagaana markii dhibaato iyo tacadi kastaa nagu gaadheen goosanay inaanu dib ula soo noqono 1991-kii, markaa qadiyaddani maaha qadiyad xisbi, waa qadiyad shacab, qadiyad uu xisbi iyo dawlad ay kaligood go’aamin karaan maaha, intaas oo qof-baa ku naf waayey, intaasi oo hanti ahbaa ku baxday” ayu yidhi.
Mr. Qodax, oo ka hadlayey inay xukuumadda ka midaysan yihiin midnimada Somaliland, ayaa yidhi "Dawladda Mucaarad xooggan ayaanu ku nahay, laakiin markay tahay Midnimada Somaliland iyo ictiraaf raadinta, xukuumadda waxaanu isku nahay ul iyo diirkeed, oo isku mid ayaanu ka nahay..”
Ku xigeenka xoghayaha guud ee UCID, oo sii hadlaya ayaa sheegay "Markaa walaalayaal, annaga oo ixtiraam badan idiin hayna waxaanu idin leenahay waxba yaynaan wakhti badan iska lumin, annagu idiinma soo soconno, midnimo dambe iska ilooba, ha nagu lugu’ina, aynu ka fikirno aayaheenna iyo sidii aynu u noqon lahayn laba dal oo walaalo ah oo iskaashada, markaa aynu is dhex gal bulsho aynu samaysanno, idinkuna ku dhawaaqa oo na ictiraafa, annaguna aqoonta aanu u leenahay nabad dhisidda iyo xasillinta aanu idinku guubaabinno oo aanu gacan ka geysano (Nabadeyntiinna), taasi oo ah dawada qalalaasaha Geeska Afrika ka taagan maanta, markaa idinkuna go’aankaa adag qaata oo liqa, jiritaanka Somaliland-na qira oo gooni isku taageeda qira…” ayuu yidhi.
Dhanka kale, xisbiga WADDANI oo la filayey inuu ka qayb-galo kulanka ay fooda isku dareen UCID iyo odayaasha reer Muqdisho, ayaa isagu ka muquurtay isla-markaana aan ka soo xaadirin madashii kulanka ee huteelka Ambassador.
Afkashacabka.com
Hargeysa / Office
Contact@Afkashacabka.com
"Annaga oo ixtiraam badan idiin hayna waxaanu idin leenahay idiinma soo soconno, midnimo dambe iska ilooba oo ha nagu lugu'ina.." UCID
Xisbiga UCID Oo Marti-qaad Iyo Farriimo Qadiyadda Somaliland Xambaarsan Isugu Ladhay Duqeydii Muqdisho Ka Yimid iyo Xisbiga Waddani oo Madaxtoyada Jawab ka sugaya