Wasiirka Duulista Hawada JSL Oo Kormeeray Waaxda Dab-damiska ee Madaarka Hargeysa Kana Hadlay Qaabab loola Tacaali Karo Dabka dhasha.+ Sawiro.

0
Saturday May 10, 2014 - 12:22:27 in by salman abdi
  • Visits: 1454
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Duulista Hawada JSL Oo Kormeeray Waaxda Dab-damiska ee Madaarka Hargeysa Kana Hadlay Qaabab loola Tacaali Karo Dabka dhasha.+ Sawiro.

    Wasiir Maxamuud Xaashi oo ujeedada kormeerkiisu ahayd sidii uu u dhiiri galin lahaa hawladeenada qaybta dab damiska ee Madaarka Cigaaal Internatoinal Airport, ayaa...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Maxamuud Xaashi oo ujeedada kormeerkiisu ahayd sidii uu u dhiiri galin lahaa hawladeenada qaybta dab damiska ee Madaarka Cigaaal Internatoinal Airport, ayaa...

Wasiirka wasaaradda duulista hawadda iyo gaadiidka cirka Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo ay wehelinayaan Agaasimaha Guud Cumar Cabdilaahi Adan iyo Maamulaha Madaarka Maxamed Yuusuf Ismaaciil ayaa kormeeray qaybta dabdamiska ee Madaarka Hargeysa.

Wasiir Maxamuud Xaashi oo ujeedada kormeerkiisu ahayd sidii uu u dhiiri galin lahaa hawladeenada qaybta dab damiska ee Madaarka Cigaaal Internatoinal Airport, ayaa sidoo kalena soo saaray baaq ku wajan qaabka looga hor tago dabka ama loola tacaalo marka uu dab kaco.

Wasiirka Duulista oo qaar ka mida saxaafadda la hadlay ayaa yidhi " waxaan jecelahay inaan is dultaago oo shacbiga Somaliland aan halkan uga gudbiyo talooyin ku saabsan dhibaatooyin maalmahan inagu soo kordhayey ee la xidhiidha dabka, Maadaama aanu wasaarad ahaan leenahay qayb dab damis ah, Oo aanu is leenahay dabka iyo sida loo bakhtiiyo khibrad iyo aqoon dheeraad ah ayaad u leedihiin, dab damisku waa mid muhiim ah inay magaalo waliba yeelato, xukuumadanina waxyaabaha ay soo kordhisay waxa ka mida in la sameeyo Hay’ad u gaara oo Wasaarada arimaha Gudaha hoos tagta, gaar ahaan ciidanka booliska, anaguna waxaanu wadnaa inaanu sare u qaadno qaybta dabdamiska ee Madaaradda gaadiid cusub ayaa noo imanaya, shaqaalaha tababaro ayaanu u wadnaa.”

Wasiirka Duulista ayaa sidoo kale sheegay in hawl wadeena waaxda dabdamiska Ee Madaarka Cigaal ay ka qayb qaateen bakhtiinta dab magaalada kacay waxaanu yidhi " waxaan jecelahay inaan halkan ka hanbalyeeyo shaqaalaha Madaarka Cigaaal Internatoinal Airport qaybta dabdamiska oo maalmihii dhawaa dababkii magaalada ka kacay bakhtiintoodii qayb lixaad ka qaatay, ALLE inagu guuleeyey, Dabdamiska madaarku wuxuu ahaa gaadhigii ugu horeeyey ee markii Kaalinta Kaah ay gubatay meesha gaadhay, dabkaas bakhtiinisa door wayn ka qaatay, dabkii labaad ee isla todobaadkaas dhacayna walow looga horeeyey dabdamiskayagu hada wuu ka qayb qaadanayey, shaqaalaha madaarkuna waxay khibarad u leeyihiin sida dababaka loo bakhtiiyo waayo waa loo tababaray, inay diyaarado iyo dab kacayba bakhtiiyaan.”

Wasiir Maxamed Xaashi ayaa geesta kalena shacabka baaqyo kala duwan u diray waxaanu yidhi " waxaan dadka halkan ugu jeedinayaa talooyin muhiim ah, ugu horayna meherada ganacsiga ee waaweyn waxa looga baahan yahay inuu qofku ka fakaro qaab dabdamis oo lagu rakibo bahalada yaryar ee gacanta lagu isticimaalo ee Budadu ay ku jirto dabkuna mar ayuu qof kaliyi uu bakhtiin karaa, mar uu sigaar ka dhashay ama wax yari ay gubtaan ayaa laga hor tagi karaa, noloshan casriga ahna dababku si sahlan ayuu u dhalan karaan, dadka ganacsatada ahna xil ayaa ka saaran inay shaqaalahooda ku tababaraan sida loo adeegsada qalabka wax lagu bakhtiiyo.”

" qodob kale oo muhiim ah ayaa waxa uu yahay in marka dab la arko inaanu jaahwareen dadka ku dhicin ee waa inay la xidhiidhaa waaxaha dabdamiska , waana inay numbaradooda haysaan oo sidoo kalena ay Booliska la xidhiidhaan, ciidanka boolisku isaga ayaa waaxaha kale ee ku shaqao leh la xidhiidhaya, anaga gaadiidkayaga dabdamiska waxa uu ku dhaqaaqaa xidhiidha booliska ama waaxaha kale ee dabdamiska, anagu waxa aanu samaynay shaqaale heegan ah oo aan habeenkii raxaxin.”

Dadkweynaha waxaan kula talinayaa in marka uu dab dhaco aan meesha dabku ka dhacayo loo cararin, dadkaasi yaacayaa naftooda ayey halis galinayaan, kooxihii dabdabiska iyo gaadiidkii gurmadka wadayna way xanibayaan, waana mid ka mida dhibaatooyinka maalintii dhawayd soo baxay, ee ciidamadii amaanka iyo booliskii meel ay maraan ay waayeen, waxaan leeyahay dadka ILAHAY ka cabsada oo meesha dab ka baxay buuqada ka daaya, oo qof gurmaya oo wax tari kara maahee qof kale ayaanu goobtaas culays saarin.”

Wasiirka Duulista ayaa sidoo kaleba baaq u diray dadka gaadiidlayda ah waxaanu yidhi " Waxa kale oo aan dadweynaha gaadiidka wata kula talinayaa in marka uu dab kaco ee gaadiidka dab damisku ay goobta ku soo socdaan ee sawaxankooda la maqlo in wadooyinka loo baneeyo oo gaadiidku ay dhinac ugu baydhaan, gaadiidlayda waa inay u baneeyaan gaadiidka booliska, dabdabiska iyo gaadhiga ..ka, ugu dambayntii waxaa dhacda in dadweynaha goobta uu dabku ka kacay qaar ka mid ahi ay shiidaan dab damiska ama ay gacan saaraan shaqaalahaas daba iyo khatarta u soo badheedhay, iaygoo ku canaanaya wax aanay ku shaqo lahayn, dabku Qadar ALLE ayuu ku kacay, waar ALLE ha laga cabsado oo dadkaas dabdamiskana hala gacansiiyo, arintaasi anaga gaadiidkayaga dabdamiska ayey ku dhacday Burco iyo Hargeysa way nagaga dhacday gaadhigaas dabdamiska ah ee madaarku leeyahay muraayada hore ayaa laga jabiyey iyagoo dab bakhtiinaya, waxana ALLE ka baryayaa inuu dhibaatda dabka inaga badbaadiyo.” Ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi.









Afkashacabka.com
Hargeysa / Somaliland
Contact@afkashacabka.com