Wasiirka Madaxtooyada JSL oo Xadhiga ka Jaray Library(Maktabad) Naadiga Halkaran Ka hirgeliyey Burco iyo Xildhiban Bidhi oo Buugaag ku warejiyey +SAWIRO

0
Saturday May 10, 2014 - 13:23:07 in by salman abdi
  • Visits: 1354
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Wasiirka Madaxtooyada JSL oo Xadhiga ka Jaray Library(Maktabad) Naadiga Halkaran Ka hirgeliyey Burco iyo Xildhiban Bidhi oo Buugaag ku warejiyey +SAWIRO

    Wasiirka Madaxtooyada JSL Md Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa Maanta Xadhiga Ka jaray Library Cusub oo Casri oo Naadiga Akhriska iyo Qoraalka ee Halkaraan Readers and Writters Club uu ka furay Magaalada Burco.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Madaxtooyada JSL Md Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa Maanta Xadhiga Ka jaray Library Cusub oo Casri oo Naadiga Akhriska iyo Qoraalka ee Halkaraan Readers and Writters Club uu ka furay Magaalada Burco.


Libraryga ama Maktabaddan oo noqonay Madal Wax akhris oo u furan guud ahaanba Bulshada reer Somaliland ayay furitaankiisa ka soo qaybgaleen wefti ballaadhan oo la socday wasiirka Madaxtooyada kuwaas oo ayka mid ahaayeen Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Cali siciid Raygal, Wasiirkuxigenka Ganacsiga JSL Bashir Cabd Xariir, Badhasabka Gobolka Togdheer Maxmed Muse Diriye kuxigeenkiisa Mr.Ubaxle, Taliyasha Booliska, milleteriga iyo Asluubta ee Gobolka Togdheer, Xildhiban Mubarik Bidhi oo ka mid ah Golaha Deganka Burco, Marwo Sucaad oo kamid ah Bahda Qalinleyda ee Somali Speak Pen, Aqoonyahano, Qurboog, iyo Marti sharaf kale.

Badhasabka Togdheer Maxmed Muse Diriye oo furay Munasibaddasi ayaa ugu horeyn wasiirka madaxtooyada uga mahadnaqay doorka uu shakhsi ahaan ka qaatay dhiirigelinta dhalinyarada isku hawshay furitaanka maktabaddan, waxanu ballanqaaday in xukuumad ahaan iyo maamul gobol ahaanba ay la shaqaynayaan Cid kasta oo ka shaqaynaysa Horumarka iyo Waxbarashada Gobolka, isla markaasna muhiimad weyn ku tilmaamay inu leeyahay Library gani.

Guddomiyah Naadiga Halkaraan Ibrahin Cabdi Xirsi oo isna Munasibaddan ka hadlay ayaa ka sheekeyey maraaxilkii uu soo maray Naadigu iyo halkii ay isla soo mareen furitaanka Naadiga, Waxa uu guddomiyuhu si gaar ah ugu mahadceliyey Wasiirka madaxtooyada JSL Xirsi Cali Xaji Xasan, Xildhiban Cabdilaki Xasan Nur iyo Xildhiban Mubarik Bidhi oo uu shegay in Dhammaantood ay Gacan weyn ka geysteen Furitaanka Librarygan cusub.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaraha, Wasiirkuxigenka Ganacsiga, Marwo Sucaad oo kamid bahda qalinleyda, iyo xildhiban Mubarik Bidhi ayaa dhammaantood sheegay in librarygani ahaa mid loo baahnaa oo ahayd in mar hore la sameeyo, waxay bogaadiyeen Dhalinyarada suuro gelisay iyo cidda ka gacan geystan in la furo librarygan, xildhiban bidhi ayaa si gaar ah u xusay in Buugaag tiro badan oo uu Naadiga ku wareejiyey ay maktabadda yaalaan kuwasoo uu ka keenay Waddanka UK, isla markaasna qaar kood yihiin kuwo qaali ah oo aan dalka oollin, masuliyintu waxay si wada jir ah u qireen inu yahay library dadka wax badan u faaidaynaya, iyadoo ay xuseen in waxbarashada macalinka iyo iskuulka ay ka faaido badan tahay tau u qofku is baro ee libraryga iyo maktabadaha aqoontu taalo ku xidhma.

Wasiirka Madaxtooyada JSL oo isna halkaas hadal kooban ka jeediyey ayaa qirey muhiimadda uu gobolka iyo qarankaba u leeyahay librarygani isla markaasna sheegay in dedaalka iyo fikirku saldhig u yahay horumarka isla markaasna ay fiican tahay in dhalinyaradu fikir la timado, dedaalna ku darto cid ka shaqaynaysa horumarka oo taageeri doonta na ay heli karaan markiiba ayu yidhi wasiirku, Wuxu kalo sheegay in xukuumad ahaan mar walba uu barbar taagan yahay dhalinyarada fikirka noocan ah xambaarsan ee is abaabusha, isla markaasna u soo jeeda inay kobciyaan aqoontooda iyo tan bulshada ay la nool yihiin.

Ugu danbayntii Xildhiban Bidhi ayaa Buugaag iyo Qalab isugu jira Computer iyo Printer ku wareejiyey Libraryga intaas kadibna Waxa Wasiirka Madaxtooyada JSL iyo Xildhiban Bidhi la guddoonsiiyey Shahaado Sharafyo lagu maamusay waxqabadka iyo gacanqabashada ay Naadiga iyo Libraryga ba ka geysteen.

 

 

 




Afkashacabka.com
Burco / Office
Contact@afkashacabka.com