Guddomiyihii iyo Tafatirihii Wargeyska HATUF oo Xabsiga loo taxabay iyo Dacwaddii loo haystay oo Saka Bilaabantay

0
Saturday May 10, 2014 - 15:19:02 in by Super Admin
  • Visits: 969
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddomiyihii iyo Tafatirihii Wargeyska HATUF oo Xabsiga loo taxabay iyo Dacwaddii loo haystay oo Saka Bilaabantay

    waxaa la filayaa in ayaamaha soo socda ay sii socoto dhagaysiga dacwadu, iyadoo maanta la dhagaystay qayb kamid ah dadkii dacwadaha soo gudbiyay, halka kuwa kalena la filaayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

waxaa la filayaa in ayaamaha soo socda ay sii socoto dhagaysiga dacwadu, iyadoo maanta la dhagaystay qayb kamid ah dadkii dacwadaha soo gudbiyay, halka kuwa kalena la filaayo.

Masuuliyiintii Wargeyska Haatuf ayaa Muddo 7 Cisho oo Ruman ah loo diray kadib markii saaka ay Dacwadii u dhexeysay Wargeyska Haatuf iyo Masuuliyiin ka tirsan Xukumada Somaliland ka bilaamatay Maxkamada Gobolka Hargeysa.

Dacwadan oo Abaaro Sagaalkii Subaxnimo ka Billaamatay Maxkamada Hargeysa ayaa Garsoorihii Dhageysanayey dacwadu waxa uu dacwadoohoodii dhegeystay Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Xuseen Cabdi Ducaale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Warancade iyo Wiil Sodog u yahay Madaxweyne Siilaanyo kuwaasi oo dacwad ka dhan ah ku furay wargeyska Haatuf oo hore ay ugu eedeyen in Warar been abuuraha uu ka tabiyey.

waxayna dhagaysatay Maxkamadu dacwadii labada Wasiir, iyadoo dhinaca Haatuf la waydiiyay cadaymaha qodobada ay dhibanayaashu ku dacwoonayeen ee Wargaysku qoray inay hayaan.

Intaas kadib markii masuulyinta Wargaysku Haatuf aanay dhiibin wax cadaymo ah, wuxuu garsoorihii kiiska qadayay xukumay in muddada dacwadu socoto Rumaan ahaan loo xidho Yuusuf Cabdi Gaboobe oo ah masuulka Wargayska Haatuf, iyadoo sidaa lagu xidhay. 

Geesta kale waxaa la filayaa in ayaamaha soo socda ay sii socoto dhagaysiga dacwadu, iyadoo maanta la dhagaystay qayb kamid ah dadkii dacwadaha soo gudbiyay, halka kuwa kalena la filaayo.

 

02   

Dacwadan oo Socotay Muddo ka Baddan 5 Sacadood oo xidhiidh ah ayaa Markii La dhegeystay dooda Wasiirada ee ay dhammaatay Dacwadii maantu ayaa Waxa Rumaan Loodiray Guddoomiyaha Wargeyska Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Tifatiraha Wargeyska Haatuf Axmed Cige.0401

 



Afkashacabka.com
Hargeysa / Office
Contact@afkashacabka.com