Muuqalkan Maantu waa Mid ka kaftoon in kalmado Lagu Cabiro, "Action Speak is Louder than Voice""WAX II QABO, WAX ILA QABO AYAA DHAANTA" Wasiir Xirsi

0
Saturday May 10, 2014 - 16:00:13 in by Super Admin
  • Visits: 1041
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuqalkan Maantu waa Mid ka kaftoon in kalmado Lagu Cabiro, "Action Speak is Louder than Voice""WAX II QABO, WAX ILA QABO AYAA DHAANTA" Wasiir Xirsi

    Wasiirka Madaxtooyada JSL oo shalay si rasmiya uga bilaabay Magaalada Ina Afmadoobe Dhismaha Waddadii Ceerigaabo ayaa ka dareen Celiyey Bilowga Waddadaas, isagoo Qoraal kooban soo dhigay Bogga uu kuleyahay Facebook iyo Bloggiisa Gaarka ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Madaxtooyada JSL oo shalay si rasmiya uga bilaabay Magaalada Ina Afmadoobe Dhismaha Waddadii Ceerigaabo ayaa ka dareen Celiyey Bilowga Waddadaas, isagoo Qoraal kooban soo dhigay Bogga uu kuleyahay Facebook iyo Bloggiisa Gaarka ah.

 

Maanta waxay ahayd maalin tirsiga Sooyaalka taariikhda ka geli doonta baal dahab ah, waxay ahayd maalin xasuus qorka muwaadinka kaydiya samaha dalkeenu ku xaradhi doono ciwaan cusub oo tilmaamaya sida Somaliland u tisqaaday, waxaa farxay saxiib oo dhan waxaa naxay cadaw dhamaantii!!

Maanta waxaynu indhaha caalamka tusnay qiimaha uu leeyahay halka Doolar "Value of one Dollar” , kadib markaan si rasmi ah u bilawnay dhaqaajinta iyo ciid goynta JIdka isku xidhi doonaa Gobolada Togdheer iyo Sanaag.

Waxaa Farxad ah in jidkii laga bilaabay dhanka "Ina Afmadoobe” sidoo kalena laga soo wado dhanka Ceerigaabo , waxaa iyadna xusid mudan in la wado diyaarintii iyo wacyigelintii "Preparation and mobilization”-ka wajiga laga bilaabi doono " Ceel-Afweyn”

Hirgalinta Jidka Ceerigaabo waa balanqaad ka go’an xukuumada uu hogaaminayo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud, waa marag ma doon oo taariikhda ayaa ka Markhaati kacaysa in balanqadyadii Madaxweynaha dalku si talantaali ah oo isdaba taxan dhamaan u fuleen

Muuqalkan maantu waa mid ka kaftoon in kalmado lagu cabiro, oo waa muuqaal hadlaya , wuxuu caalamka tusay cududa dawlada iyo caqliga dadwaynaha Somaliland , waxaynu cod dheer oo kaa maarmay faalo ku leenahay WAYNU KARNAA SIDAAN SHALAYBA U KARNAY!




 

Wa Bilaahi Tawfiiq.