Wasiirkii Hore Madaxtooyada Xirsi Cali Xaji Xasan Oo Shacbiga Somaliland Iyo Ciidamadda Qalabka Sida, Hanbalyo U Diray Munasibada Qaranka Ee 18-May.

0
Tuesday May 17, 2016 - 22:56:11 in by Burco Office
  • Visits: 898
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirkii Hore Madaxtooyada Xirsi Cali Xaji Xasan Oo Shacbiga Somaliland Iyo Ciidamadda Qalabka Sida, Hanbalyo U Diray Munasibada Qaranka Ee 18-May.

    Wasiirkii hore Madaxtooyada, Mud. Xirsi Cali Xaji Xasan ayaa dhanbaal Hanbalyo ah u diray shacbiga Somaliland iyo Ciidamadda daljirayaasha ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirkii hore Madaxtooyada, Mud. Xirsi Cali Xaji Xasan ayaa dhanbaal Hanbalyo ah u diray shacbiga Somaliland iyo Ciidamadda daljirayaasha ah

ee qalabka sida, Munaasibada 18-May. Siyaasi Xirsi Cali Xaji Xasan oo qoraalka Hanbalyada ah ku baahiyay bogiisa Faceebook-ga uu ku leeyahay wuxuu hadalkiisa ku bilaabay sidan:

00000000000000

18-May-2016
Bismilaahi raxmaan raxiim

Munaasabada 18 may ee lasoo noqoshada gobonimada Somaliland darteed waxaan salaan iyo bogaadin u dirayaa dadka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan, waxaan si gaar ah hambalyo ugu diriyaa ciidamada kala duwan ee ku hawlan illaalinta nabadgelyada.

Ciidamada kala duwan ee Qaranka Somaliland, waa tiirarka qarankani ku taaganyahay, waxaan qirayaa in ay wax dheeryihiin ciidamada dalalka kale ee dunida, waxay ku hawlgalaan mushaharka ugu yar ee ciidan qaato dunida guudkeeda, iyagoo u adkaysta xaalada ugu adag ee askari ku shaqeeyo, iyagoo leh duruufahooda nololeed ee u gaarka ah hadana waxay gutaan waajibaadkoda.

Waxaan leeyahay hambalyo, waan bogaadinayaa, waanu idiin ognahay oo idinma mooganin in aad dartayo dhaxanta, milicda iyo dhibaatada u joogtaan, shacabka Somalilandna waa idin garab taaganyahay.

Dadka reer Somaliland waxaan ugu baaqayaa isku duubni iyo midnimo, danta guud oo meel looga soo wada jeesto, horumarka dalka, dadka iyo illaalinta diinta iyo dhaqanka suuban.

Waa muhiim in aynu isku hawlo sidii aynu usii jiri-lahayn, dawlad ahaan jiritaankeenu waa inoo muhiim, waa daruuri in aynu qaabayno sidii aynu dunida ulla macaamili-lahayn ee ugu yeelanlahay saaxiibo dhaw oo qadiyadeena inagala shaqeeya. Saaxiibka ugu horeeyaana waa jaarkeena waana inaynu kula noollaano xidhiidh-wanaagsan iyo iskaashi.

Soomaaliya, waxaan u soo jeedinayaa inay garwaaqsadaan xaqiiqada Somaliland iyo rabitaanka dadkeeda, (the will of the people) dhisitaanka, horumarka iyo madaxbanaanida Somaliland waxay dan u tahay dhamaan dayawga soomaalida, haday maalin Soomaaliya burburtay, Somaliland waxay noqotay mid dhibaatadii kasoo kabatay oo dhisantay, waxaanay farxad u tahay qof kasta oo Soomaaliya oo si fiican u fekeraya.

Waxaan beesha caalamka ugu baaqayaa in ay tixgeliyaan rabitaanka bulshadan Somaliland, waanu jiraa dad-ahaan, waanu dhisanahay dawlad ahaan, in dhegaha lagu furaysto dhawaaqa dadkayaga sax maaha. In aanu beesha caalamka ka mid noqonaa waa yoolkayaga inta aanu gaadhaynana dedaalka joojin mayno, waxaana iman doonta maalin xaqiiqada la qarin-kari aayo oo ay guushu timaado.

Wa Bilaahi Tawfiiq