Wakiilka gaarka ah ee Midiowga Africa Soomaaliya Mahamat Saleh Annadif oo is casilay

0
Friday June 20, 2014 - 12:15:48 in by Burco Office
  • Visits: 801
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wakiilka gaarka ah ee Midiowga Africa Soomaaliya Mahamat Saleh Annadif oo is casilay

    Wakiilka gaarka ah ee Midiowga Africa Soomaaliya Mahamat Saleh Annadif ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqey in uu xilkii uu hayay iska casilay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wakiilka gaarka ah ee Midiowga Africa Soomaaliya Mahamat Saleh Annadif ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqey in uu xilkii uu hayay iska casilay

Annadif oo maanta saxaafadda la hadley ayaa sheegay inuu xilkaas ka degay, wuxuuna u mahad celiyey dowladda iyo shacaka Soomaaliya.

Ergayga Midogwa Afrika ee Soomaaliyadanjire Annadif ayaa si rasmi ah xilka u wareejinaya 02 July 2014 sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay xafiiskiisa.

Annadif waxaa xilkiisa si ku meel gaadh ahaan u sii hayn doona ku xigeenkiisa Wanyoto Mutende oo u dhalatay dalka Uganda.

"Maadaama aan ka tago Soomaaliya, waxaa i cajab geliyay go’aanka ku aaddan sida ay idin kaga go’an tahay in dalkan lagu soo celiyo nabaddii iyo xasilloonidii, gaar ahaan waxaan ku faraxsanahay in la ogaado in dalka oo colaad ku jiray tan iyo sannadkii 1991-kii in aad hoggaaminsaan, waxaana ku talinayaa in si nabad ah lagu dhammeeyo khilaafyada taagan,” ayuu ergaygu ku yiri madaxda dalka.

Sidoo kale, ergaygan shaqada ka tagaya ayaa wuxuu u mahadceliyay dhamaan ciidamada dadaalka ugu jira nabad kusoo celinta Soomaaliya iyo kaalinta ay ku leedahay beesha caalamka howshan.

"Ciidamada ka socda dalalka Burundi, Jabuuti, Itoobiya, Kenya, Sierra Leone iyo Uganda waxay qayb xoog leh ka qaateen nabadeynta Soomaaliya,” ayuu danjire Anaadiif ku yiri hadalkiisa. Isagoo intaas raaciyay. "Inkastoo Al-shabaab quus ka taagan tahay sii wadidda dagaallada Soomaaliya, haddana AMISOM waxaa weli ka go’an inay Soomaaliya gaarsiiso nabad iyo xasillooni waata.”