Guddomiyaha Garabka Haweenka Xisbiga UCID oo Xabsiga loo taxaabay iyo Xisbiga UCID oo Cambaareyey Xadhigeeda kuna tilmaamay Sharci darro

0
Friday June 20, 2014 - 12:55:14 in by Burco Office
  • Visits: 836
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddomiyaha Garabka Haweenka Xisbiga UCID oo Xabsiga loo taxaabay iyo Xisbiga UCID oo Cambaareyey Xadhigeeda kuna tilmaamay Sharci darro

    Lama Oga ujeeddada loo xidhay Guddoomiyaha heer qaran ee garabka haweenka UCID,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Lama Oga ujeeddada loo xidhay Guddoomiyaha heer qaran ee garabka haweenka UCID,

Ciidamada booliska, ayaa shalay xabsiga u taxaabay guddoomiyaha Garabka Haweenka ee xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Marwo Xaliimo Cismaan Raage.

Lama Oga ujeeddada loo xidhay Guddoomiyaha heer qaran ee garabka haweenka UCID, hasa-yeeshee waxa la sheegay in boolisku ka qabtay goob ganacsi oo ay ku leedahay Magaalada Hargeysa, iyaga oo ku xidhay saldhigga dhexe ee booliska ee Magaalada Hargeysa.

Marwo Xaliimo, oo  ka mid ahayd dad faro badan oo maanta Maxkamadda Gobolka Hargeysa u tagay dhageysiga dacwadda loo haysto Guddoomiyaha Wargeyska Haatuf, Yuusuf Cabdi Gaboobe oo Maxkamadda la hor-geeyay, ayaa markii maxkamaddu dhamaatay ee laga soo dareeray ka dib ay ciidamo boolis ahi ugu tageen halka laga soo xidhay.


Xoghayaha warfaafinta ee xisbiga UCID, Yuusuf Kayse Cabdillaahi, oo ka hadlay xadhigga haweenaydan, ayaa cambaareeyay isla-markaana sheegay in xadhiggeedu yahay sharci daro.





Afkashacabka.com
Hargeysa / Office
Contact@afkashacabka.com