War Degdeg ah: Guddomiye Muse Biixi Cabdi oo u Tanaasulay Madaxweyne Siilanyo Kadib Wada Hadal Ganacsatada Waaweyn ee Beeshiisu Mar kale u furtay gudomiyaha iyo madaxweynaha

0
Saturday June 21, 2014 - 08:19:27 in by Super Admin
  • Visits: 1943
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Degdeg ah: Guddomiye Muse Biixi Cabdi oo u Tanaasulay Madaxweyne Siilanyo Kadib Wada Hadal Ganacsatada Waaweyn ee Beeshiisu Mar kale u furtay gudomiyaha iyo madaxweynaha

    gudoomiyaha xisbiga muxaafidkaah ee kulmiye Muj Muse Bixi Cabdi ayaa caawa ku dhawaaqay inuu si rasmi ah uga tanaasulay murashaxnimadii xilka madax wayne nimo ee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

gudoomiyaha xisbiga muxaafidkaah ee kulmiye Muj Muse Bixi Cabdi ayaa caawa ku dhawaaqay inuu si rasmi ah uga tanaasulay murashaxnimadii xilka madax wayne nimo ee  madaxwaynah JSL kula tartamaayaay kadib mar ay caawa wada yeeshen kulan xog waraysi ah iyo casho sharaf meeqam sare leh oo uu Madax waynah JSL ku qaabilay Gudoomiyah xisbiga muxaafidkaah ee kulmiye

hadab kulankan ayaa waxa iyaguna ka qayb ah xubno ka mid ah beesh uu ka soo jeedo gudoomiyah xisbiga kulmiye mudane muuse biixi cabdi oo ay ku adkeeyen inuu iskaaga tanaasulo xilka madax wayne nimo madax waynah jsl AHMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILANYO )

ganacsatada waaweyne sacad muuse ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in gudoomiye muuse biixi ka tanaasulay musharaxnimada xisbiga kulmiye u daayey madaxweyne siilaanyo shanta sano soo socota

warsaxaafadeed. ganactada waaweyn sacad muuse aya u dhignaa sidan:

"khilaafkii xisbiga kulmiye ee baryahan soo jiitamayey ayaa waxa si xilkasnimo ah u soo afjaray ganacsatada waaweyn ee sacad muuse waxaanay ku soo afjareen qodobadan soo socda"

1. in uu gudoomiya xisbiga kulmiye muuse biixi uga tanaasulay jagada musharaxa madaxtinimada xisbiga kulmiye shanta sano ee soo socota madaxweynaha maanta xilka haya axmed maxamed maxamuud siilaanyo taasi oo si niyadsami ah la isku keenay kuna dhamaatay inay is gacanqaadaan madaxweynaha iyo gudoomiyaha ka dib kulan caawa ku dhexmaray aqalka madaxtooyada somaliland

warsaxaafaeed waxa soo saaray ganacsatada waaweyn Ee Beesha Sacadmuuse e kala ah:


1. Maxamed aw-Siciid Geedi  (SOMCABLE)
2. Jaamac Oomaar       (OOMAAR COMPNAY)
3. rashiid ibraahim ciise
4. maxamed xuseen axmed






Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com