Wefti Wasiiro Ah Iyo Masuuliyiinta Sadexda Xisbi Qaran Oo Safar Ugu Baxay Dalalka Kenya Iyo Ethopia

0
Saturday June 21, 2014 - 08:43:03 in by Super Admin
  • Visits: 1009
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wefti Wasiiro Ah Iyo Masuuliyiinta Sadexda Xisbi Qaran Oo Safar Ugu Baxay Dalalka Kenya Iyo Ethopia

    Wefti ka kooban wasiiro iyo guddoomiyayaasha saddexda xisbi qaran ayaa safar dublamaasiyadeed ku tagaya dalalka itoobiya iyo kiiniya maalmaha soo socda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wefti ka kooban wasiiro iyo guddoomiyayaasha saddexda xisbi qaran ayaa safar dublamaasiyadeed ku tagaya dalalka itoobiya iyo kiiniya maalmaha soo socda.

Safarkan oo uu hogaamin doono Wasiirka Arrimaha dibeda somaliland Maxamed Biixi Yoonis isla markaana ay ku wehelin doonaan wasiiro kasoo jeeda goboladda sool iyo sanaag waxa uu noqon doonaa mid ay Somaliland kula garnaqsan doonto dawladaha dunida, si ay dunida ugu qanciyaan maamul fidinta iyo mashaariicda horumarineed ee ay somaliland ka wado goboladda barri ee somaliland oo arrimo dhinaca nabadgelyada ah goboladda intooda kale dib uga dhacay.

Safarka weftiga Somaliland oo hore u qorshaysnaa ayaa waxa taageeray sida ay Waaheen warka ku heshay safiir ku xigeenka safaaradda ingiriiska ee dalka itoobiya.

Somaliland ayaa safiir ku xigeenka itoobiya hor dhigtay dood adag oo su ugu bandhigeen kaalinta ay Somaliland ka qaadato ilaalinta xuduudaha gobolka gaar ahaan goboladda barriga

Somaliland oo Marin u ah kooxda alshabaab ee Koonfurta somaliya, kuwaas oo haddii aanay somaliland la dagaalamin khatar badan galin lahaa dalalka jaarka la ah somaliland.

Xukuumadda somaliland ayaa safiir ku xigeenka u bandhigtay inay beesha caalamk daawanayso gardarada dawladda somaliya ka wado gudaha somaliland, iyagoo ku hanjabay inaanay marnaba aqbalayn in wax faragalin ah dawlada somaliya ku samayso xuduudaha somaliland.



xigasho waheen


Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com