Balamaha Siyaasiyiinta Somaliland U Samaynayaan Dadka Gobolka Hawd Waxa Ka Dhaw Mid Uu Xasan Sheekh Balan Qaaday Oo Ah….”Sul Cumar Sul. Maxamed

0
Sunday December 18, 2016 - 12:16:13 in by Burco Office
  • Visits: 541
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Balamaha Siyaasiyiinta Somaliland U Samaynayaan Dadka Gobolka Hawd Waxa Ka Dhaw Mid Uu Xasan Sheekh Balan Qaaday Oo Ah….”Sul Cumar Sul. Maxamed

    Hargeysa(AFKA):-Suldaanka guud ee gobolka Hawd Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax ayaa shaaca ka qaaday balan qaad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA):-Suldaanka guud ee gobolka Hawd Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax ayaa shaaca ka qaaday balan qaad

uu madaxweynaha dawlada federaalka ah ee somaliya u sameeyey dadka deegaanka gobolka Hawd.


Suldaan Cumar Suldaan Maxamed oo ka hadlayey munaasibad uu u qabtay in ka badan 400 arday oo ka qalin jabiyey jaamacadaha dalka iyo dibada oo ka soo jeeda gobolka Hawd ayaa sheegay in balamaha ay siyaasiyiinta somaliland u samaynayaan gobolka Hawd ay ka dhaw dahay balanta xasan sheekh Maxamuud waxaanu yidhi "Xasan Sheekh waxa uu balan qaaday in haddii uu ku guulaysto doorashada somaliya inuu gobolka Hawd Waddadana u dhamaystirayo,

biyo-na u soo saarayo, balantaas ayaana ka dhaw balamaha ay siyaasiyiinta somaliland u samaynayaan dadka deegaanka gobolka Hawd.”

 

Hadalka ka soo baxay Suldaan Cumar Suldaan Maxamed ayaa ku soo beegmaya wakhti la filayo inuu socdaal ku tago qaar ka mid ah gobolada dalka somaliya, halkaas oo uu kulamo kula yeelan doono bulsho beeshiisa ah oo goboladaasi deegaan ku ah.