Wariye Lagu Diley Muqdisho Kadib Qarax Ka Dhacay Gaadhigii Uu Watay Iyo Dadkii Qarxiyay Oo Sifuud U Baxsaday.

0
Saturday June 21, 2014 - 14:53:59 in by Super Admin
  • Visits: 1153
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wariye Lagu Diley Muqdisho Kadib Qarax Ka Dhacay Gaadhigii Uu Watay Iyo Dadkii Qarxiyay Oo Sifuud U Baxsaday.

    Qaraxa Wariyaha lagu dilay waxa la sheegay in uu ahaa mid gaadhigiisa loogu soo xidhay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaraxa Wariyaha lagu dilay waxa la sheegay in uu ahaa mid gaadhigiisa loogu soo xidhay

gaar ahaan halka uu fadhiisto darawalka gaadhiga , xiliga uu qaraxu dhacayay waxa la tilmaamay in Wariyaha uu kaligii watay babuurkiisa uuna kusoo jeeday goobtiisa shaqada.


Mid kamid ah Wariyaasha gaadhay halka uu ku qarxay gaadhigii uu watay Wariye Yuusuf Keynaan ayaa lasheegay in gaadhiga uu si xun u bur buray waxana uu intaas raaciyay in xubno badan oo kamid ah jidhka wariyaha uu qaraxu jar jaray.

Meydka Wariyaha ayaa in mudo ah ku dhax jiray gaadhigii lagu qarxiyay, Maamulka Degmada Xamar Weyneee magaladda muqdisho iyo Taliyaha Saldhiga Degmadaasi ayaa diiday in deg deg meesha looga qaado meydka Wariyaha ,waxa ayna lahadleen oo xili dambe goobta soo gaadhay kana qaaday meydka saraakiil ka socotay Hay’ada CID-da.

Wariye Yuusuf Keynaan ayaa kasoo shaqeeyay War baahino kala duwan oo ka hawlgala dalka iyo dibadiisa , Waxa uuna xiligan ahaa Tafatiraha Idaacada Mustqabal oo kamid ah Idcaadaha ka hawlgala Magaalada Muqdisho.


Allaha u naxriistee Meydka Wraiye Yuusuf Keynaan ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda lagu aaso qabuuro kuyaala Magaalada Muqdisho ,

WERIYAHA QARAXA LAGU DILEY WAKHTI UU KU GUDO JIREY SHAQADIISA SUXUFINIMO









Afkashacabka.com

Muqdisho /Office

Contact@afkashacabka.com