Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Socdaalkii Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Uu Kusoo Maray Magaalooyin Ku Teedsan Xudduudka

0
Sunday December 25, 2016 - 17:44:56 in by Burco Office
  • Visits: 775
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Socdaalkii Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Uu Kusoo Maray Magaalooyin Ku Teedsan Xudduudka

    Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdirashiid Riyo-raac ayaa ka waramay ujeedada socdaal uu dhawaan ku marey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdirashiid Riyo-raac ayaa ka waramay ujeedada socdaal uu dhawaan ku marey

Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, deegaano ku teedsan xudduudka Somaliland iyo Itoobiya islamarkaana uu qaarkood ka badalay magacyadii hore ee loo yaqaanay.


Cabdirashiid Riyo-raac oo shalay warbaahinta qaar ka mid ah ugu waramay Socdaalkaasi ayaa waxa uu yidhi "Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya waxaanu ku kulanay oo aanu isku aragnay Magaalada Coodanle, Magaalooyinka qaar baa inaga dhexeeya qaarkoodna waynu kala leenahay, sida Balli-dhiig, Coodanle iyo Buuhoodle oo qaybi Itoobiya tahay, qaybina Somaliland tahay markaa runtii anigu safarkaa ummaan arkayn mid Siyaasadaysan, Waxaanse aan u arkayey Safar Abaarta iyo kormeera oo uu ugu qaybinayey Raashin dadkii uu la hadlayey oo uu dhibaatadaasi ugu soo Gurmaday, Waanan uga Mahad naqaynaa oo dadka iyo deegaanku wuu inaga dhexeeyaa”.

Wasiir Riyo-raac waxa kaloo uu ka hadlay magacyada cusub ee magaalooyinka uu soo maray uu u bixiyey Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar "Runtii waxay ila tahay Magacyadu wax dhibaato ah malaha oo meesha dadka ka dhexaysa inay labada dawladood isku yimaadaan oo ay isla qaataan magaca loo bixinayo, haddii uu isagu ku horreeyey oo magacii uu u bixiyey waxay aheyd in aanu la oggolaano (approve), ama aanu diidno ayaa meesha imanaysa amase laba magac ku kala haysano ileyn magaalada waynu kala leenahaye oo way kala badhan tahaye, waxaanse isleeyahay wax dhib ah oo weyn oo ku jirtaa ma jirto arrinkaa”.