''LAMAANIHII CUMAR BINU KHADAAB U GAR QAADAY''W/Q Qoraa Ibaraahim Dhuxul

0
Wednesday December 28, 2016 - 20:00:01 in by Hargeysa Office
  • Visits: 1435
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ''LAMAANIHII CUMAR BINU KHADAAB U GAR QAADAY''W/Q Qoraa Ibaraahim Dhuxul

    Waxaa maalin, maalmaha ka mida cumar binu khadaab, amiirkii labaad ee muslimiinta, u soo dacwootay gabadhka mid ah, dumarkii asxaabta, oo uu qabay asxaabigii la odhan jiray ''abu-salama'' waxay cumarku tidhi gabadhii cumaroow; nin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa maalin, maalmaha ka mida cumar binu khadaab, amiirkii labaad ee muslimiinta, u soo dacwootay gabadhka mid ah, dumarkii asxaabta, oo uu qabay asxaabigii la odhan jiray ''abu-salama'' waxay cumarku tidhi gabadhii cumaroow; ninkayga sharkiisu wuu badan, yahay khayr kiisuna wuu yar yahay cumar wuxuu yidhi; ninkaagu waa kuma?

gabadhii; waxay tidhi waa abu-salamah Waa asxaabi aad u weyn oo asxaabadii rasuulka, ka midka ahaa, ayay sheegtay Cumar wuxuu u diray nin abu salama u yeedha, gabadhiina waxa uu ku yidhi halkan, fadhiiso waxaa loo yeedhay abusalama, cumar markii loo yeedhay asxaabigii wuxuu ku yidhi, gabadhan ma garanaysaa.. abusalama wuxuu ku yidhi; waa tuma amiirkii muminiintoow cumar waxuu yidhi; waa gabadhaadii, wayna kaa cabanaysaaa abu salama waxuu yidhi; maxay leedahay? cumar wuxuu yidhi; waxay kaa sheegaysaa inuu sharkaaguna badan yahay kheyr kaaguna yar yahay abu salama waxa uu yidhi; walaahi cumaroow, dumarka ta ugu dhar badan, weeyaan mida kale gurigeedu guriga guryaha ugu fiican weeyaan ayuu yidhi Laakiin nin keedu waa magaan[macnaa raga, nimaanay igu qabin] ayuu yidhi Cumar wuxuu yidhi; ma siduu arrinku sheegayba? gabadhii waxay tidhi; markaasaa waxay tidhi, run ayuu sheegay markaa cumar ushii uu watay intuu laba jeer ku dhuftay ayaa wuxuu, yidhi; markaad dhalin yarnimadiisii dhamaysay xoolihiisiina cuntay, ee uu waayeel noqday ayaad arinkaa, ka sheeganaysaa, Gabadhii dabeed waxay tidhi; amiirkii muslimiintoow arinkaa mar danbe u noqon maayee haduun iska kay cafi, dabeed cumar isagii intuu u yeedhay ayuu ku yidhi waryaa gabadhaa xaqeeda iska ilaali oo haku xadgudbin dabeed wuxuu siyay dhar dabeed way is raaceen didanbana umay soo noqon, Taasina waxay ku tusinaysaa, siduu cumar uga war hayay xaladaha ay ku jiraan, qoysasku, muslimiintu iyo siduu u xalinjiray khilaafaadkooda, Waxa kale oo ay ku tusinaysaa, siday raga iyo dumarkuna cumar binu khadaab ugu soo muraad iyo miciin biddi jireen, sababtoo ah, waa cadaalada uu dadka ku dhiqi jiraytaasi..








qalinkii; qoraa ibraahim dhuxul gmail; dribraahimm@gmail.com