Xukuumada Oo Sixir Bararka Saameeyey Noloshi Dadka Danyarta Ahaa Ku Sifaysay Mid Ka Jira Wadamada Geeska Afrika Oo Dhan

0
Sunday January 08, 2017 - 17:20:13 in by salman abdi
  • Visits: 854
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Oo Sixir Bararka Saameeyey Noloshi Dadka Danyarta Ahaa Ku Sifaysay Mid Ka Jira Wadamada Geeska Afrika Oo Dhan

    Xukuumadda Somaliland, ayaa dhibaatada sicir-bararka iyo korodhka maciishadda quutal-daruuriga ah ee silica badday danyartii dalka ku tilmaantay mid gobolka Geeska Afrika oo dhan ka jirta oo saamaysay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda Somaliland, ayaa dhibaatada sicir-bararka iyo korodhka maciishadda quutal-daruuriga ah ee silica badday danyartii dalka ku tilmaantay mid gobolka Geeska Afrika oo dhan ka jirta oo saamaysay.

Wasiiru-dawlaha wasaaradda Ganacsiga iyo Maal-gashiga Somaliland Md.Maxamuud Warsame Jaamac oo Telefishanka Star la hadlay, ayaa si cad u sheegay inaanay jirin dhibaato kale oo loo cuskaro karo sicir-bararka iyo qiime korodhka maciishadda ku yimi, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, "Beryahan dambe sicir-bararka iyo maciishadda oo kolba sare u kacdaa waxa ay ka jirtey guud ahaan geeska Afrika oo dhan, arrimahan ganacsiguna had iyo jeeraale ma aha wax jaan go’an oo meel jooga, ganacsataduna alaab bay soo.

iibsataa marba qiimo ayaa lagaga soo iibiyaa, qiimihii lagaga soo iibiyey ayey halkanna qiimihii ay kaga baxaysay kaga baxdaa.”

 

Wasiirku isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu sidii caadadada masuuliyiinta ahayd xusay inay jaan goyn doonaan qiimaha waxyaabaha kala duwan ee ganacsatada dalku soo dhoofsato, kuwaas oo ay wasaaraddiisu horeba u sheegtay balse aan hadal wax dhaafsiisan loo geysan,"wasaaraddayada waxa nooga qorshaysan inaanu jaan goyno oo aanu isha ku hayno in ganacsatada kuwa jumladda keenaya iyo kuwa tafaariiqda bixinayaaba inaanay quutal daruuriga dadka cidhiidhi ku gelinin oo aanu xaqiijino qiimeyaasha oo aanu nin waliba wixii uu doono wax ku iibinin” ayuu yidhi wasiir Maxamuud Warsame.

Xukuumadda, ayaan weli qaadin wax tallaabo ah oo ay wax kaga qabanayso sicir-bararka baahsan ee dalka ka jira, waxana haatan xaaladdu gaadhay inuu lumi qiimihii shilinka Somaliland, isla-markaana uu qiimihii wax lagu kala iibsanayey saacad saacad isku beddelo, maadaama oo uu Dollarkii kor usii socdo.