Donald Trump Oo Xil Sare U Magacaabay Wiil Uu Sodog U Yahay iyo Dood Arintaasi Ka taagan

0
Tuesday January 10, 2017 - 10:55:15 in by Burco Office
  • Visits: 484
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Donald Trump Oo Xil Sare U Magacaabay Wiil Uu Sodog U Yahay iyo Dood Arintaasi Ka taagan

    Madaxweynaha Cusub ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa wiil uu Sodog u yahay oo qaba gabadhiisa u magacaabay in uu noqdo la taliye sare , waxaana durba magacaabista xilkan ka dhalatay dood xoogan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Cusub ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa wiil uu Sodog u yahay oo qaba gabadhiisa u magacaabay in uu noqdo la taliye sare , waxaana durba magacaabista xilkan ka dhalatay dood xoogan. Jared Kushner oo 35-sano jir ah ayaa loo magacabay in uu kamid noqdo la taliyaasha sare ee Madaxweyne Donald Trump , wiilkan oo ah ganacsade ayaa qaba gabadha uu dhalay Madaxweynaha ee Ivanka Trump.

Wiilkan uu Sodogga u yahay Madaxweynaha Dalka Mareykanka ayaa kaalin xoogan ka qaatay ololihii uu kusoo baxay Trump, waxa uuna hada kamid yahay dadka aadka ugu dhaw Madaxweynaha dhawaan xilka la wareegi doona.

Xisbiga dimuquraadiga ee dalka Mareykanka ayaa durba kasoo horjeestay magacaabistan wiilkan waxa ayna ku baaqeen in dib u eegid lagu sameeyo magacaabidda oo ay ku tilmaameen inay tahay "qoys jecleysi" iyo arrin khilaaf keeni karta.

Xubno katirsan Xisbiga dimuquraadiga ayaa ugu baaqay Xubnaha guddiga cadaaladda iyo waaxda cadaaladda iyo xafiiska anshaxa dowladda inay faragelin ku sameeyaan magacaabista wiilkan uu Sodogga u yahay Trump.

Madaxweynaha la doortay ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa horey u sheegay Wiilka uu sodogga u yahay ee Jared Kushner in uu yahay qof aad ugu weyn uuna ku faraxsan yahay in uu u magacaabo xil sare oo maamulkiisa katirsan.