Madaxweynihii Iyo Madaxweyne-xigeenkii Oo Ka Aamusan Xaaladda Siyaasadeed Ee Dalka

0
Tuesday January 10, 2017 - 11:36:45 in by Burco Office
  • Visits: 581
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynihii Iyo Madaxweyne-xigeenkii Oo Ka Aamusan Xaaladda Siyaasadeed Ee Dalka

    Hargeysa(AFKA)Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo iyo ku xigeenkiisa Md. Cabdiraxmaan Saylici oo haya distooriyan awooda qaranka Somaliland, ayaa ka aamusan xaaladda ka soo korodhay arrimaha doorashooyinka oo muran ka dhex aloostay xisbiyada iyo muras

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA)Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo iyo ku xigeenkiisa Md. Cabdiraxmaan Saylici oo haya distooriyan awooda qaranka Somaliland, ayaa ka aamusan xaaladda ka soo korodhay arrimaha doorashooyinka oo muran ka dhex aloostay xisbiyada iyo murashixiinta madaxweynaha.

Madaxweyne Siilaanyo iyo ku xigeenkiisa oo la sugayay inay shacabka la hadlaan, maadaama oo la isku maandhaafsanyahay in doorashadu qabsoomi karto March 2017, abaaraha jira darteed islamarkaana ay soo baxayaan warar sheegaya in Madaxweyne Siilaanyo taaganyahay inaan maalin muddo kordhin ah loogu darin doonin, ayaan ilaa hadda laga haynin wax hadal ah.

Shacabka ayaa ku jaho wareeray mawqifyada kala fog ee ay taaganyihiin saddexda murashax madaxweyne ee ka dhalatay warbixintii ay soo bandhigeen guddiga doorashadu oo sheegaysay in 60% shacabkii isdiiwaangeliyay aanay joogin goobihii kaadhadhka loogu gayn lahaa, abaaraha adag ee dalka ka jirta dartood.

Xisbiga KULMIYE ayaa taagan in la bilaabo kaadhadh qaybinta si doorashadu wakhtigeeda ugu qabsoonto, halka ay labada xisbi mucaarad ee UCID iyo Waddani taaganyihin inaan la bilaabin kaadhadh qaybinta maadaama oo dadkii abaartu hayaamisay.

Sidaas daraadeed, shacabka ayaa sugayay in Madaxweyne Silaanyo ama ku xigeenkiisu shacabka la hadlo islamarkaana shacabka doortay u jiheeyo halka uu u arko in dantoodu ku jirto.


Xigasho Geeska