Budhcad Badeed Mudo Bil Ah Gadaheeda Ku Afduubtay Marakiib Iyo Doonyo

0 in by Burco Office
  • Visits: 1536
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Budhcad Badeed Mudo Bil Ah Gadaheeda Ku Afduubtay Marakiib Iyo Doonyo

    Warbixin: Burcad badeeda oo afduubtay hal Markab iyo saddex Doon mudo 30 cisho gudahooda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbixin: Burcad badeeda oo afduubtay hal Markab iyo saddex Doon mudo 30 cisho gudahooda
BuTalaado, April, 04, 2017 (HOL) – Kooxaha Burcad badeeda Soomaaliya, ayaa 30 cisho gudahooda afduubtay saddex Doomood iyo hal Markab, inkastoo markabka markii dambe lasii daayay, wada hadal kadib.

Doontii ugu horeysay ee ay afduubteen ayaa waxaa laga lahaa dalka India, waxaana saarnaa 11 shaqaale, waxaana la afduubtay iyada oo u socota magaalladda Kismaayo.

Dhinaca kale, doonta labaad ayaa iyana waxaa la sheegay in laga leeyahay dalka Pakistan, waxaana hadda ay gacanta ugu jirtaa kooxaha Burcad badeeda Soomalidda, lamana oga tirada shaqaalaha saran.

Dhinaca kale, waxaa jiray warar sheegaya in Burcad badeeda ay afduubteen, doon ay saarnaayeen shaqaale u dhashay dalka Yaman, taasoo ay hadda u isticmaalaan weerarada ay qaadayaan.

30-kii cisho ee lasoo dhaafay kooxda waxaa ay afduubteen, hal Markab oo ay saarnaayeen shaqaale u dhashay dalka Sirilanka iyo saddex doomood, taasoo ka dhigeysa in khatarta kooxa ay soo noqotay.

Goormaa ayuu biloowday howlgalka ka dhanka ah Burcad Badeeda Soomaalidda?

Midowga Reer Yurub ayaa 10 Nofembar, 2008, ka bilaabay xeebaha waddanka Somalia hawlgal ay burcad badeeda Soomaalida uga hortagayaan.

Hawlgalkan oo loogu yeeray hawlgalkii Atlanta waxa ay ujeedadiisu aheyd in lagu difaaco maraakiibta hey'adaha Qaramada Midoobay ee gargaarka u sida Somalia.

Hawlgalkan Midowga Reer Yurub ayaa xiligaasi waxaa lagu bilaabay ugu yaraan toddobo maraakiibta dagaalka ah iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca.

Waxaa uu ahaa hawlgalkii ugu horeeyay ee noociisa ah ee Midowga Reer Yurub ay sameeyaan.

Allah ha u naxariistee Madaxweynihii Dowladdii KMG-ka aheyd ee Somalia Cabdullaahi yusuf ayaa dhowr bilood ka hor xiligaa waxa uu ku baaqay in beesha caalamku ay wax ka qabato burcadbadeeda Somalia.

Dowladda Yemen maxey ka tiri howlgalka ?

Dowladda Yemen ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay ciidamada caalamiga ah ee la soo dhigay Biyaha u dhexeeya Somali iyo Yemen si ay ula dagaalamaan bucad badeeda.

Abu Bakr Al Qibri oo intii u dhexeysay sanadkii 2001 ilaa 2014, ahaa Wasiirka arrimaha dibedda ee Yemen, ayaa sheegay in joogitaanka ciiidamada ajnabiga ee gacanka Cadan ay qatar ku tahay nabad-gelyada Carabta, isla markaana ay keeneyso in badda cas ay noqoto bad caalami ah.

Waxa uu ugu yeeray wadamada gobolka in iyagu ay la dagaalamaan burcadda oo ay ammaanka xoojiyaan, intii ay isku halayn lahaayeen caawinaad ajnabi