Godob Laga Galay Cabdimaalik Muuse Coldoon W/Q Maxamed Andar

0
Saturday April 08, 2017 - 11:32:33 in by Hargeysa Office
  • Visits: 1488
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Godob Laga Galay Cabdimaalik Muuse Coldoon W/Q Maxamed Andar

    Shacab waynaha reer somaliland madax iyo mijo waayeel iyo siqiir guud ahaan waxay si badheedha uga indha siibteeen cabdi maalig muuse coldoon oo ahaa shaqsi lagu yaqaanay usmafalka dadka dhibaaataysan,dadka jilicsan,kuwa baahan iyo xataa usama falka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shacab waynaha reer somaliland madax iyo mijo waayeel iyo siqiir guud ahaan waxay si badheedha uga indha siibteeen cabdi maalig muuse coldoon oo ahaa shaqsi lagu yaqaanay usmafalka dadka dhibaaataysan,dadka jilicsan,kuwa baahan iyo xataa usama falka xayawaanka,waxa uuna si arxan daro ah ugu xidhanyahay magaala madaxda hargaysa kudhawaad 4 bilood kaas oo aanay jirin cid ka hadashay dhibta uu ku jiro muwaadinkaaasi.



Haa dabcan cabdi maalik qaranka danbi waa uu ka galay laakiin Marka, aan indhaha laga qarsanayn waxaa haatan wadankeena kusugan oo si xoriyad ah ugu nool siyaasiyiinqaranka danbiya waawayn kasoo galay,waxaa gudaha wadankeena kusugan shaqsiyo kudhawaad 20 sano u olalaynayay mabda,a Soomaali wayn isla markaana si xoriyad ah oo bilaa xayiraad ah ugu wada nool gudaha dalka, waxaa wadankeena ku sugan ragii dhabarka ka jabiyay ee basaasay xasuuqii loo gaystay dhalinyartii Uffo, hadaba markaad soo eegto arimahaas muxuu saxafi coldoon kaga duwanyahay raga danbiyada horta leh kasoo galay qaranka ee aan hadana,nususaac laxidhin,maxaase cafiska raga loo fdiyay loogu fidin waayay cabdi maalik?

Waxaaba iska yar qarankeena cida danaheeda gaar ahaaneed ka hor marisa danta qarankeeda iyo horu marka bulshadeeda waxaana aan shaki kujirin in masuuliyiinteena ugsu sareeya qarankeena,oo ay kaw ka yihiin golayaasha qaranka Ee wasiirada iyo baarlamaanka, madaxda xisbiyada, in aanay waxatar muuqda ka tarin qarankeenan 26jirsaday, sidaa si lamidana aan marnaba lala simi Karin waxtarkii miisaanka lahaa ee uu bulshada usoo taray saxafi cabdi maalik muuse coldoon oo ahaa shaqsi iskii isu abaabulay una xadhka xidhay taakulaynta dadka danyarta ah, hasa yeeshee taa badalkeeda shacab waynaha reer Somaliland madax iyo mijaba ay noqdeen abaalaawayaal, xasuusan waayay waxatarkii muwaadin coldoon, waxayna Somaliland noqotay beerka necbi xaydha jecli,oo aan ka wado (dad wanaaga neceb xumaanta jecl)

Abdi maalik muuuse coldoon oo kaliya uma aha dhibane shacabwaynaha reer smaliland ee xataa waxay rajadiii ka qaadeeen shaqsi wal oo hami horumarineed ka lahaa qaranka taas oo ay tusaale cad u noqotay sida ar xan darada ah ee madax iyo mijaba lola dhaqmay suxufi cabdi maalik muuse coldoon oo aan marnaba indhaha laga qar sankarayn waxtarkii iyowax qabadkii dheeraa uu u lahaa bulshada reer Somaliland.

26 sano kadib Somaliland waxay dib ugusoo noqotay oo ay shabahday dawladii soomaaliyeed ee uu ka arimin jiray taliskii marxuun maxamed siyaad barre, taas oo marka ay dadka qaar danbiyo usamaynayso odhan jirtay (qofkaasi kacaanka ayuu ka dheereeyay ee ha la xidho ama qofkaasi wuu af miishaaroobay ee ha la xidho) taa badalkeedana Somaliland maanta waxa ay maraysaa cabdimaalik yaan la cafinin, yaan laga hadlin xadhigiisa, yaan la xasuusan waxtarkiisii.

Waxaa banaanka usoo baxday xantii inbadan dhagaha bulsha waynta reer Somaliland kusoo noqnoqonaysay ee ahayd in qarankeena dhakada laga maamulo isla markaana muumulkeeda lagasoo arimiyo wadanka aynu jaarka nahay ee ethiopia.

Cabdimaalik waa shaqsi dhalinyaro ah,waxtar badana usoo qabtay qaranka, hase yeeshee waxtarkii iyo juhdigii uu usoo galay qaranka ma waxaa baabiiyay danbiga uu ka galay qaranka? Jawaabtu hadii ay haa tahay guud ahaan Somaliland waa abaalaawa yaal.

Qalinkii Maxamed Andar

Gmail: maxamedqani122@gamail.com

.