Madaxweyne Ku Xigeenkii Hore Ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin Oo Ka Hadlay Xalka Lagaga Gudbi Karo Sare U Kaca Sarrifka Iyo Abaaraha

0 in by Burco Office
  • Visits: 878
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Ku Xigeenkii Hore Ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin Oo Ka Hadlay Xalka Lagaga Gudbi Karo Sare U Kaca Sarrifka Iyo Abaaraha

    hargaysa(afka);Madaxweyne Ku Xigeenkii Hore Ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin Oo Ka Hadlay Xalka Lagaga Gudbi Karo Sare U Kaca Sarrifka Iyo Abaaraha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

hargaysa(afka);Madaxweyne Ku Xigeenkii Hore Ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin Oo Ka Hadlay Xalka Lagaga Gudbi Karo Sare U Kaca Sarrifka Iyo Abaaraha

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa baaq nabadeed u diray Beelaha walaalaha ah ee dagaalku ku dhexmaray deegaanka Dharkeen-geenyo, waxaanu ugu baaqay inay dagaalka joojiyaan oo ay nabada qaatan.


Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin,oo Wargeyska Geeska Afrika u waramaya ayaa sidoo kale ka hadlay abaarta iyo qiimaha sarifka ee sare u kacay, waxaanu yidhi "Dagaalka wiil baa ku dhinteen ee wiil kuma dhasho, colaaduna khasaare mooye faa’iido ma leh, ee Beelahan walaal ah ee dagaalku dhexmaray, waxaan ugu baaqayaa inay dagaalka joojiyaan, oo nabada u soo noqdaan, oo ILLAAHAY ka cabsadaan,akhiradooda u tudhaan”.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland mar uu ka hadlaayey abaarta ayaa yidhi "Anigu marar badan oo hore ayaan ka hadlay abaaraha, waxa dhab ah in abaartu soo noq-noqotay, waxa se muhiim ah inaynu ka tashano, oo aynu ka faa’iidaysano biyaha roobka ee sida tooska ah u gala badda, waxaana anigu qabaa in haddii aynu isku dayi lahayn in Gobolada dalka aynu ka sameeysano Dhammaam waaweyn iyo biyo xidheeno, in mar walba oo ay abaari timaado inaynu ku baxsan lahayn, wax walbana wada tashi bay ku hagaagan, ee waa muhiim in laga tashado, oo waliba qof walba wixi awoodiisa ah inuu bixiyo”.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland mar uu ka hadlaayey qiimaha sarifka ee sare u kacay ayaa yidhi "Dad walba wuxuu awooda saara oo muhiimada siiya isticmaalka lacagtiisa, balse sida dadkeenu muhiimada ma siiyaan, oo lacago kale oo qalaad ayey isticmalaan, isticmaal la’aanta lacagteena Shilinka Somaliland, waa ka qayb sarifka lacagta ee sare u kacday, markaas waxaan Bulshada reer Somaliland ugu baaqayaa inay lacagtooda muhiimada kowaad siiyaan, oo ay isticmalaan”.