Gudoomiyaha Degmada Jalalaqsi Oo Ka Hadlay Tirada Dad Gaajo Iyo Haraad U Dhintay.

0
Tuesday April 25, 2017 - 15:39:26 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 645
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Degmada Jalalaqsi Oo Ka Hadlay Tirada Dad Gaajo Iyo Haraad U Dhintay.

    Gudoomiyaha degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ee dalka somaliya Maxamed Cabdule Fiidow ayaa xaqiijiyey dad gaajo iyo haraad ugu dhigtay degmadaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ee dalka somaliya Maxamed Cabdule Fiidow ayaa xaqiijiyey dad gaajo iyo haraad ugu dhigtay degmadaasi.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in shan qof ay deegaanada degmada Jalalaqsi ugu dhigteen haraad iyo gaajo soo foodsaartay, waxaanu cadeeyey inaanay wali jirin gargaar la gaadhsiiyey dadka abaartu saamaysay.Gudoomiye Maxamed Cabdule Fiidow oo la hadlay warbaahinta ayaa si weyn uga dayriyey xaalada nololeed ee ay ku sugan yihiin dadku, waxaanu sheegay in qaarkood ay iibiyeen guryihii cawska ka samaynaa ee ay daganaayeen si ay nolol u raadsadaan, waxaanu tilmaamay in abaartu ay saamayntii ugu adkayd haatan ku leedahay dadka soomalida ah.

Dhinaca kale hay’addaha qaramada midoobay ayaa sheegay in dadka soomaalida ah ee u baahan in gargaar la gaadhsiiyaa ay ku dhaw yihiin 6.2 milyan, taas oo noqonaysa in kala badh shacabka dalka somaliya u baahan yihiin gargaar deg deg ah oo la soo gaadhsiiyo, iyada oo ay abaartuna keentay xaalada adag ee ay dadku ku sugan yihiin.