"Madaxweyne (Mar Haddaad) Taladii Ka Degeyso, Murashaxiinta Isu Soo Dhawee" Axmed Yuusuf Yaasiin Oo Farriin U Diray Madaxweyne Siilaanyo

0
Saturday May 20, 2017 - 15:58:28 in by Burco Office
  • Visits: 605
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Madaxweyne (Mar Haddaad) Taladii Ka Degeyso, Murashaxiinta Isu Soo Dhawee" Axmed Yuusuf Yaasiin Oo Farriin U Diray Madaxweyne Siilaanyo

    "Madaxweyne (Mar Haddaad) Taladii Ka Degeyso, Murashaxiinta Isu Soo Dhawee" Axmed Yuusuf Yaasiin Oo Farriin U Diray Madaxweyne Siilaanyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Madaxweyne (Mar Haddaad) Taladii Ka Degeyso, Murashaxiinta Isu Soo Dhawee" Axmed Yuusuf Yaasiin Oo Farriin U Diray Madaxweyne Siilaanyo

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa baaq u diray madaxweynaha iyo shacabka. Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu soo jeediyey in murashaxiinta xisbiyada loo sameeyo madal ay si furan ugu tartami karaan, waxaanu shacabka ugu baaqay inay si bilaa turxaan ah u kala doortaan murashaxiinta tartamaya. Ugu horayn Axmed Yuusuf Yaasiin oo fariin u diraya madaxweyne Siilaanyo ayaa waxa uu yidhi "Waxaan leeyahay madaxweynaha maadaama oo aad xilkii ka dagayso isku soo dhawee xubnahan is haya ee tartamaya oo hala galo saaxad aan lagu murmin oo adigana natiijo fiican oo mustaqbal leh kaaga tagta, haddii saaxadaas aad kaga tagto inay noqoto mid banaan oo lagu tartamo waxaad noqonaysaa qof taariikhdu qorto, xisbiyadana isku soo dhawee oo hays afgartaan saaxad fiicana haku tartamaan.”ayuu yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin oo u waramay Saab TV.


Sidoo kale Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa ugu baaqay shacabka somaliland inay si bilaa turxaan ah u codeeyaan waxaanu yidhi "Shacabka waxaan leeyahay rag ayaa tartamaya oo kursi ayaa lagu tartamayaa, dadkuna dalka way wada leeyihiin dhib iyo dheefba, kursigana hal qof ayaa fuuli doona oo laba qof fuuli maayaan, doorashadu xanaf ayey leedahay oo lays hirdiyayaa wax kalana maaha waa sadex nin oo wax doonaya oo waanu soo marnay laakiin saaxadu hadhow caadi ayey ku soo noqonaysaa, qabyaalad iyo ficiltan looma baahna qof walibana halka uu doonayo ha ugu rido isaga oo sharaf mudan cidna aan ceebanayn.”

Sidoo kale waxa uu fariin u diray xisbiyada somaliland waxaanu mar kale yidhi " xisbiyada waxaan leeyahay is afgarad iyo garoon xaadhan ku tartama oo aan qodxo lahayn, waliba waxa loo marti yahay garoonka Kulmiye waana inuu garoonkiisa ka dhigaa mid xasiloon oo aan dhib lahayn oo inta lagu tartamo dabadeedna laga tago.”

Axmed Yuusuf Yaasiin waxa kale oo uu soo jeediyey in la xooleeyo dadkii ay abaartu saamaysay "Shacab iyo dawladba iyo cid walba waxaan leeyahay xoolaheenu waxay ahaayeen laf dhabarta dhaqaalaha dalkeena, dadkii xooluhu ka baxeen waa in la siiyaa shini dambe oo lagu beerayo in xoolaheenii dib u soo noqdaan, ramadaana waxa la bixinayaa sakadii nina yaanu odhan tolkayga hoose ayaan siinayaa laakiin maanta umadii oo dhan ayaa u baahan, waxaanan leeyahay meel ha layskugu geeyo oo dadka hala xooleeyo.”

Ugu dambayn waxa uu shacabka Somaliland ku hambalyeeyey munaasibada 18-ka May "Shacabka Somaliland meel kasta oo ay jogaan yar iyo weyn, madaxweyne ilaa ka u hooseeya waan hambalyeynayaa waxaanan leeyahay 26 sanadood ayeynu soo dhabar adaygaynay waxbana may hadhin ee hala adkaysto, sababtoo ah lixdankii tii hawsha yarayd ee layna siiyey ee aanu dhiig ku daadan ee aanay dhibi ina gaadhin ayeynu shan cisho ku wareejinay.”