1992 -2017 Wax-Qabadkii Iyo Dadaaladii Shaqo Ee Agaasime Mohamed Cilmi Aden ( Ilkacase ) W/Q, Geele Osman Takar

0
Wednesday May 24, 2017 - 09:22:44 in by salman abdi
  • Visits: 1727
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    1992 -2017 Wax-Qabadkii Iyo Dadaaladii Shaqo Ee Agaasime Mohamed Cilmi Aden ( Ilkacase ) W/Q, Geele Osman Takar

    Tan iyo intii ay Somaliland lasoo noqotay xoriyadeeda 1991 wakhtigaasi oo dalka iyo magaalooyinka oo gabi ahaanba dhulka la sinaa oo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tan iyo intii ay Somaliland lasoo noqotay xoriyadeeda 1991 wakhtigaasi oo dalka iyo magaalooyinka oo gabi ahaanba dhulka la sinaa oo


 

 ay burburiyeen dagaaladii qadhaadhaa ee dib u xoraynta Wakhtigaa oo dalkuba xabaalo u ekaa Ayaa waxay dadka ree Somaliland bilaabeen dib u abuuris dal baa ba’ay iyo dib udhis darbiyada xabaalaha lamoodo ee ay wali 26saano kadib calaamadihiisu meelkasta ka muuqdaan.

Aagaasime Guud ee Wasaarad Shaqada iyo arimaha Bulshada Mohamed Cilmi Aden ( Ilkacase ) waxa uu kamid ahaa dadkii ugu muhiimsanaa la aantoodna aanu dalka Somaliland talaaba qaadeen waxay ahayd goor iyo goob xasaasiya oo wakhti dheer lagu

bixiyay Sidii dib loogaga shaqaysiin lahaa Somaliland , Mohamed Cilmi Aden ( Ilkacase ) waxa uu hormuud ka ahaa Dadkii juhdiga iyo dadaalka badan galiyey sidii ay Somaliland u noqon lahayd qaran isku filan

Wakhtigaasi oo uu ka mid ahaa aasaasayaashii Hayada Havoyoco waxa uu dhexda u xidhay sidii uu dalkiisa iyo dadkiisaba dhibta uga saari lahaa marka xaqiiqda laga hadlayana way adagtahay sida wax loogu qabto dadkii dhibta haysatay ayadoon dhaqaale la haysan isla markaana aan lahayn waxay ku shaqeeyaan iyo cid caawisa wax hawl yar maaha Doqon iyo Caruuri waa mooge Mohamed Cilmi ( Ilkacase ) wuxuu ahaa ninkii halkaa kala soo debaashay Hayada Havoyoco isaga oo Muruq iyo Maskaxba galiyey Xaga waxbarashada waxa weeye Master Of International Relations And Diplomacy In Kampala University In 2013 .

Waa masuul daacada oo Havoyoco gaadhsiiyay heer caalami Waana sababta madaxwayne axmed maxamed siilaanyo oo ah madaxwayne neceb musuq maasuqa Isla markaana Jecel waxqabadka iyo horumarka dalku uu magacaabay Horumarka uu Havoyoco gaaadhsiiyey waa ta ay Ugu suurta gashay in uu Hayada kala duwan uu ka soo shaqeeyo Mohamed Cilme ( Ilkacase ) Waxa uuna soo qabtay xilal kala duwan sida :

1) COSONGO Umbrella , Civil Society Forum .

2) Chief Protocol Of Presedential.

3) Agaasimaha Guud ee Wasaarada Kaluumaysiga.

4) Agaasimaha Guud Wasaarada Warfaafinta.

5) Senior Member of Kulmiye Party.

6) Waxa uu ahaa Gudidii seeska u dhigtay nidaamka 18May loo xuso.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Shaqada iyo arimaha bulshada Somaliland Maxamed Cilmi (Ilkacase) ayaa noqday masuul juhdi badan geliyey shaqada uu qaranka uu hayo,

Agaasime Ilkacase ayaa baal Dahab ah kaga jiraa wax-qabadka Xukuumadda Somaliland samaysay mudadi uu madaxweyne Axmed siilaanyo talada dalka haysay sidoo kale waxa uu qayb libaax leh ka qaatay Xidhiidhka Dowlada Deeganka Soomalida Ethoipia Iyo Djabouti. Agaasimaha ayaa noqon doona shaqsiyaadka taariikhdu qori doonta,

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Shaqada iyo arimaha bulshada Mohamed Cilmi ( Ilkacase ) oo ka mid ah xubnaha Agaasimayaasha Somaliland waxa uu ku suntan yahay shakhsiyaadka sida weyn uga dhex muuqda xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, si gaar ahna loogu majeerto waxqabadka iyo dadaalka masuuliyadeed ee uu mudadaasi uu xilalka Agaasime hayey muujiyey Qormadan oo taxane noqon doonta waxa aan ku soo qaadan doonaa qaar ka mid ah wax-qabadyadii iyo dadaaladii shaqo ee Agaasime Mohamed Cilmi ( Ilkacase ) uu dalka ka hir-geliyay innaga oo ku eegi doona daraasado aannu ka samaynay waxqabadka qaybo ka mid ah dadaaladaasi uu sameeyay Agaasime Ilkacase gaar ahaan mudadii uu joogay xilka Wasaarada Shaqada oo uu wakhtigan masuul ka yahay innaga oo dulucda qormadan uga jeedna sidii aan u dhiirri gelin lahayn masuuliyiinta adeegga ay Bulshadooda u hayaan sida wanaagsan u qabtay ama ugu adeegay iyada oo aan Agaasimaha u qaadanay mudadii uu hayay xilka Agaasimaha Wasaarada Shaqada uu horumar gaadhsiiyay iyo mashaariicaha horumarineed oo uu ka fuliyay guud ahaan magaaloyiinka somaliland gaar ahaan degmooyinka iyo tuulooyinka, hadaba Agaasimuhu kuma koobna waxqabad kiisu intaa ee waxaa uu waxqabad balaadhan oo la taaban karo ka hirgaliyay Somaliland oo dhan inta uu hayay xilka Agaasime iyo markii uu ahaa Madaxdii aasaastay Hayada Havoyoco Agaasimuhu waxaa uu kor u qaaday sumcadii wasaarada Shaqada markii loo Magaacabay xilkaa iyadoo aanay ahayn wasaarada Shaqada wasaarad ka dhex muuqata wasaaradaha kale waxaana kor u soo qaaday oo meel meeqaabsare ah gaadhsiiyay wasiirka iyo Agaasimaha Guud waxaanay hada wasaarada Shaqada iyo arimaha bulshadu ku jirtaa wasaaradaha ugu Cad Cad uguna horaysa wasaaradaha kale horumarkaa ayku talaabsatay wasaarada Shaqada iyo arimaha bulshadu waxaa qayb lixaadle ka gaystay oo kor u soo qaaday Agaasimaha Guud.

La soco qormooyin taxane ah oo aan ku eegi doono dadaaladii uu Agaasimuhu uu ka qabtay dalka muddooyinkii ugu dambeeyey sida waxqabadka Gargaarka dadka tabaalaysan, Caafimaadka, Waxbarashada, Biyaha, Shaqo Abuurka, iyo arrimo kale oo badan.




W/Q, Geele Osman Takar

shaamcade2015@gmail.com