Madaxweynaha Dalka Turkiga Oo Digniin U Jeediyey Isbahaysiga Nato
Madaxweynaha Turkiga ayaa NATO uga digay in aysan hoy siinin ciidamadii ka qeyb qaatay isku daygii afgembi ee ka dhacay dalkiisa bishii July ee sanadkan.
Arintani ayaa laga yabaa in Mr Erdogan uu ku soo hadal qaado kulan uu maanta la yeelan doono xoghayaha guud ee NATO Jens Stoltenberg, oo ka qeyb galayo kulan Gaashaanbuurta NATO ay ku yeelan doonto dalka Turkiga.Mar uu ka soo duulaayay dalka Uzbekistan oo uu kula hadlay waryayaasha ayuu sheegay in u codsaday in la soo xiro askar uu ku tilmaamay kuwo argagixiso ah.
Axadii ayuu Mr Erdogan sheegay in Turkiga uu ka weecan karo dadaalka uu ugu jiro ka mid noqoshada Midowga Yurub, taa bedelkeedana uu ku biiri karo ururka Eurasia ee ay ka midka yihiin Ruushka iyo Shiinaha.
Source:-BBCsomali