SHARMA'ARKE GEELLE MURAAYAD LAGA DAAWADO DHALINYARADA TALLADA WANAAGSAN. ……Abdishakur Mohamed Hassan ( Abdishakur Gande ) ======

0
Monday May 29, 2017 - 12:13:24 in by Burco Office
  • Visits: 1904
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    SHARMA'ARKE GEELLE MURAAYAD LAGA DAAWADO DHALINYARADA TALLADA WANAAGSAN. ……Abdishakur Mohamed Hassan ( Abdishakur Gande ) ======

    Hargeysa(AFKA);Madaxwaynaha JSL Axmed Maxamed Maxamud (Dr. Siilaanyo) kahor intaanu qaban talada dalka wuxuu dhalinyarada somaliland balan kula galay ama barnaamijkiisa siyaaasadeed xisbiga kulmiye dalka u qorsheeyay ku balan qaaday in uu dhalinyarad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA);Madaxwaynaha JSL Axmed Maxamed Maxamud (Dr. Siilaanyo) kahor intaanu qaban talada dalka wuxuu dhalinyarada somaliland balan kula galay ama barnaamijkiisa siyaaasadeed xisbiga kulmiye dalka u qorsheeyay ku balan qaaday in uu dhalinyarada dalka ka qayb galin doono talada dalka hadii rabi raali ka noqdo…. dhalinyaraduna way ka mabsuudeen arintaa si'ay rumowdana codkooday u hureen kagana dhigeen madaxwaynaha dalka jsl.

Madaxwaynaha jsl isagoo oofinaya balamihii badnaa ee bulshada qaybaheeda kala duwan lagalay ayuu ku baaqay in dhalinyarda dalku ka qayb qaadan karaan xukuumada iyo goloyaasha deegaanka dalka intiisi ugu badnayd na waxaa kusoo baxay dhalinyaro aanay degmooyinkoogii ay xildhibanadaasi usoo baxeen mudanayaal tiro yar mooyee xildhibaanadii kale badankood waxay noqdeen kuwo bulshadu aanay mahadin ama aanay ubogin waxtarkooga shaqo inkastoo qaarkood la boqray qabiil boqanta ka xidhay/dabray oo ay iyagii talin lahaa noqdeen maxaabiis/adoomo qabiilku gumaystay oo reerahooga uun u adeega ama danaha qabiilkooga darteed u hor istaagay horumarkii deegaanka ama dalka.

 

Sharma’arke Axmed Muxumed Geelle ( Sharma’arke Geelle ) maalin bay ahayd ka mida maalmihiisa ugu wacnaa ama ba ahayd maalintiisii ugu farxada badnayd waanna maalintiisi qalin jabinta shahaadada heerka 1ad ee jaamacada isagoo dedaalkiisi waxbarasho fursad usiiyay in uu noqdo ardayga kuhadlaya afka ardayda waxbarashadooda dhamaysatay ayaa qudbadii uu fagaarahaa ka jeediyay uu kamid ahaa hadal sidan u dhignaa "Waxaanu waxbarshadayada dhamaysanay xiligii ugu adkaa ee inta qalinjabisay in kabadani badaha nafahooga waayeen, inkalana duruufihii adkaaye xiligaa taagnaa saameeyeen, wakhtiga aanu waxbarashadayada ku dhabar adayg nay wuxuu ahaa mid adag oo siyaasad, balwad, damac dhoof iyo qabyaalad dadku u qaybsanaa”. Qofkastoo qalbiga ka dareemayay qawlka culus ee qudbadaa oo aanan hada sookoobi karayn xanbaarsanayd wuxuu qirayay in aanu sharma-arke Dacar hadlayne xiliga/wakhtigu hadlayo hadalkiisuna kasoo maaxayo ardaydii dedaalkooda kagasoo gudbay dhibihii sootaabtay halkaana kusoo gaadhay hiigsigii guushay maalintaa haleeleen carqalad kastoo soowajahda na kudhaafayeen ka midho dhalinta hamuuntay guusha uqabeen waayo arday kastoo hagaagsan wuxuu ku hamiyaa horumarinta dalkiisa xaaladaha adag na wuxuu ku ilaawaa hiigsigiisa ah inuu noqdo hogaan waxtar leh halka qaar kale na duruufu ka adkaadaan kuwa labadaa udhaxeeye si’uun hogaanka ku noqdaa na noqdaan kuwo kursiga ku ah hogaamiyayaal aan waxqabad lahayn,,, kadib gunaanadkii xalfadaa ayaa madaxwaynaha jsl isagoo qolo iyo qabiil midna ugaranayn kuqaabilay inuu xafiiskiisa kala shaqeeeyo wiilka hadlayay markii danbana Sharmarke Geele, wuxuu talada dalka halmar mudh kusoo yidhi markii loomagacaabay xoghayaha golaha wasiirada kadib hanaan wanaagsan iyo hab wadashaqayn kii ugu wanaagsanaa oo uu hawlihiisa kugutay, masuulnimo iyo lajaanqaad uu ku caan baxay baa markii danbe ku hogaamisay halka maanta uu joogo oo ah gudoomiyaha hay’ada shaalaha somaliland waxaana xusuus mudan haduu maalinkiisi qalin jabinta ka welelayay halkeed cadaalad cilmigaaga kaga shaqo gashaa in farashkii allah maalinkaa isaga ufuray kaga dhigay gudoomiyaha hay’ada shaqaalaha u cadaalad fala oo hogaaminta dhaliyaradu na inay tahay mid wanaagsan marag fura. Sikaste ha ahaate mucjisada Sharmarke leeyahay baa iyana ah inuu ilaa maanta halkaa kujoogo shakhsiyadiisa, kartidiisa, cilmigiisa iyo talada uu rabi saartay.

 

Hadaba waxaa mucjiso noqotay qaabka wanaagsan ee Sharmaarke Dacar u gudanayo shaqadiisa gudoomiyaha haayada shaqaalaha jsl tan iyo goortii loo magacaabay bulshada somaalilaan waliba aqoonyahanka iyo dhalinyaradu mabsuudka ku yihiin.

  • waxaa loo riyaaqay maalinkii sharmaarke soo jeediyay qorshaha ama qaabka shaqada haayada qaranka uu masuulka uga yahay (wuxuu sheegay in ay haayadu shaqaalaha dawlada iyadu u xulayso isagoo sheegay in tartan imtixaan aqooneed ah loo gali doono qof walbaanna uu qaadi doono wixii qalinkiisu u gooyo) halka awalkii hore masuuliyiinta dawladu hab reer/qabiil ku qaybsanayeen shaqaalaha qaranka iyagoo qaadanay xaqii muwaadiniinta taaso ahayd musuqmaasuq lagu gabay dalka waayo waxaa laga eexanayay kuwii aqoonta lahaa ee qaranka wax u qaban lahaa.

2- waxaynu ogayn shaqaale la qaybsado uun iyadoo mararka qaar la arki hiray shaqaale haayad imtixaan ka qaadayso oo la dhijiyo amq la shaaciyo maalinta imtixaanka mqalinta ka horaysa taaso carqalad ku ahayd in qofka gobolada/deegaamada kale joogaa ay ku adkaato in uu goobtaa imtixaamka soogaadho Lakiin, waxay nu taasi kaga bogsoonay in sharnaarke gartay halka shaqaalaha loo baahan yahay ka shaqaynayo lagu qaado imtixaamka si ay hadba fursad ugu noqoto kuwii hore loo hagraday ee fursdaha shaqo helin iyadoo ay u banaan tahay qofkii shaqo doon ahee halkaa u hayaamaya na.

Midka eed sheegta
isagaa eber ahoo
Wuxuun buu eegaya
Ama eex kurabaa
Wuxuu edaab iyo
Eksaam ku waayo
Odayo u eheliyo
Erguu ku baadhayaa
Ereygu aqoon kuseegay

Sharmaarke ma aha midka dhaliyarada somalilaan ugu wanaagsan balse SHAR-MA’ARKE, WAA MURAAYADA LAGA DAAWADO QIIMAHA DHALINYARADA TALLADA WANAAGSAN EE SOMALILAAN.

Gudoomiyaha hay’adu wuu dedaal dariiqii wanaagsanaa na wuu hayaa inta u hadhay na ma yara.

Daa’in baa caadiloo
Isagaa wax doojee
Wax kaloo aadmi deeqoo
Dad lagag eed baxo
Nin u doonay heli waa

Waxqabadka sharma’arke, ma aha mid shakhsiyadiisa imika ku cusub balse waa waa mid hogaanka dalka ku cusub waayo in ka badan rubuc qarni aynu jirnay ma aynu arag cadaalad noocan ah oo aynu xuquuqda muwaadinimo ku helno… taasi na waa mid dhabo cusub u jeexaysa dhalinyaradu in ay noqdaan kuwo qaranka wax ka badala oo dalka ku horumariya cadaalad iyo cilmi.

Sikaste ha ahaate, mida qadarinta mudan ee in lagu qiimeeyo mudan baa ah in uu kudayasho wanaagsan yahay… cisayn iyo qadarin na mudan yahay. Wuxuu darajadaa ku ku gaadhay maaha qabiil iyo hayb qolo ee wuxuu wax kuhelay –samo-fal, cadaalad, la dagaalan qabyaaladeed, karti, dedaal, iyo dhiiranaan amma, kalsooni shaksiyadeed isagoo hubka uu adeegsadaa yahay cilmi iyo caqli xor ah oo uu qalinka wax ku qaybinayo sidokale xadaaraduna ma ah mid madhan yahay ee ilbaxnimadu waa wuxuu umadaha noocyada badan kula jaanqaaday…
Waxaa kale oo xusid mudan cibaadadiisa iyo alla ka cabsiga uu ku caanka yahay waayo lama dhaafaan (WAAJIB) ah cibaadadu oo hadii aad ka tegto wax kuu hagaagaya aanay jirin waxwalood haysataana waxay noqonayaa wax aanad ku farxin meelkastood gaadhaana waa meel aanay niyadaadu ku dagin oo welwel iyo walbahaar uun hanti kuu tahay.

 

"Qalinkaa wax suureeya
Kugu sima halkaad doonto
Saaxiib kal furan weeye
Sunto fara ku hayntiisa
Weligaa ha sii deynin.
Sisin iyo ku beer muufo
Iyo laanta saytuunka
Ku qotomi sugnaan waarta
Iyo nabadda seeskeeda
Samo iyo ku doon heedhe
Dunidiyo sinnaanteeda
Ku dawee sawaaceenka
Iyo siica daacuunka
Ku burburi sarbaa mooska
Iyo soohdimaa meersan
Ku midee samuud raaca
Midabbada la sooc soocay
Dadkan tobanka saamood leh”
—Abwaan Hadraawi—

 

Abdishakur Mohamed Hassan
( Abdishakur Gande )
gandeabdishakur@gmail.com

634200882
Borama, awdal somaliland.