Madaxweyne Farmaajo Oo Maanta Moqdisho Ka Sameeyey Arin Aanu Wali Hore U Sameynin +Sawiro.

0
Friday June 09, 2017 - 13:31:14 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 702
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo Oo Maanta Moqdisho Ka Sameeyey Arin Aanu Wali Hore U Sameynin +Sawiro.

    Muqdisho(AFKA);- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa waxaa uugaroonka diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho waraaqaha aqoonsiga kaga guddoomay Safiirka cusub ee Canada u qaabilsan Soomaaliya oo aan degenaansho ku yeelan doo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(AFKA);- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa waxaa uugaroonka diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho waraaqaha aqoonsiga kaga guddoomay Safiirka cusub ee Canada u qaabilsan Soomaaliya oo aan degenaansho ku yeelan doonin Muqdisho.

Safiiradan oo lagu magacaabo Sara Hradecky ayaa waxay Canada u qaabilsan tahay illaa shan dal oo ku yaala dalalka Bariga Afrika, sida Kenya, Uganda, Rwanda, Burundi iyo Soomaaliya iyadoo xarunteeda tahay Kenya, halka wadamada kalena aanay degenaansho ku laheyn.

 

 

 

 


Qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayay ku sheegtay inay sharaf u tahay in waraaqaha aqoonsiga ee Safiirnimo ka guddoomo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

safiirada cusub ee Canada u qaabilsan Soomaaliya ayaa waxay kaloo xarunta Xalane kula kulantay Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Danjire Micheal Keating iyo madax kale.

Inkastoo Madaxtooyada iyo Wasaaradda Arrimaha dibadda aysan midna faafin arrintan, hadana waxaa loo arkaa in dowladda Soomaaliya arrintan hoos u dhigtay, maadaama Safiirada degenaansho ku laheyn Soomaaliya, isla markaana halka warqadaha aqoonsiga looga guddoomay aanay aheyn Madaxtooyadii Qaranka.


Waa markii u horeysay ee Madaxweynaha uu Safiir la soo magacaabo waraaqaha aqoonsiga kaga guddoomo gudaha garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, waxaa horay Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaashii ka horeeyay ay waraaqaha aqoonsiga ay Safiirada kaga guddoomi jireen Madaxtooyada, taasoo ah nidaam qeyb ka ah shuruucda diblomaasiyadda Caalamiga ah.