Dab wayn oo qabsaday dhisme 27 dabaq ah oo ku yaalla London

0
Wednesday June 14, 2017 - 11:04:52 in by Burco Office
  • Visits: 626
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dab wayn oo qabsaday dhisme 27 dabaq ah oo ku yaalla London

    Dab wayn oo qabsaday dhisme 27 dabaq ah oo ku yaalla London

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dab wayn oo qabsaday dhisme 27 dabaq ah oo ku yaalla London

Dab wayn ayaa qabsaday dhisme 27 dabaq ah oo ku yaalla magaalada London, dad goobjoogeyaal ahna waxay sheegayaan in ay dad ku xanniban yihiin guryahooda.

Dhismaha Grenfell Tower ayaa ku yaalla Lancaster West Estate waxaana la sheegay in ilaa 200 oo dab damis ah ay la tacaalayaan xakamaynta dabka.

Booliiska ayaa sheegay in la daweeyay tiro dad ah oo ay dhaawacyo soo gaareen.

Andy Moore oo ka tirsan BBC ayaa sheegay in dhismaha oo dhan uu dabku gaaray lagana cabsi qabo in uu dumi karo.

Booliisku waxay sheegeen in dad laga daad gureeyay dhismaha.

45 gawaarida dabdamiska ah ayaa loo diray goobta uu dabku ka kacay, duqa magaalada London-na wuxuu sheegay in lagu dhawaaqay in arintani ay tahay "mid wayn".

Dadka ka kacay Grenfell Towe
Image captionDadka ka kacay Grenfell Towe
Booliisku waxay sheegeen in ay jiraan dad ay dhaawacyo soo gaareen oo la daweeyay
Image captionBooliisku waxay sheegeen in ay jiraan dad ay dhaawacyo soo gaareen oo la daweeyay
Shaqaale caafimaad oo si khaas ah loo tabobaray ayaa loo diray goota uu dabku qabsadayLahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionShaqaale caafimaad oo si khaas ah loo tabobaray ayaa loo diray goota uu dabku qabsaday
Waxaa qiiqa laga arki karaa goobo dhawr kiilo mitir u jira dhismaha gubanayaLahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionWaxaa qiiqa laga arki karaa goobo dhawr kiilo mitir u jira dhismaha gubanaya