Madaxweynaha Somaliland Md Axmed silaanyo Oo iskushaandheyn iyo isku badal Ku Sameeyay Agaasimayaasha Dalka

0
Friday June 16, 2017 - 11:01:51 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somaliland Md Axmed silaanyo Oo iskushaandheyn iyo isku badal Ku Sameeyay Agaasimayaasha Dalka

    Hargeysa(AFKA);Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu caawa digreeto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/M/XERM/249-4891/062017 uu ku magacaabay la-taliye madaxweyne, isagoo isku bedelna ku sameeyey qaar ka mid a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA);Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu caawa digreeto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/M/XERM/249-4891/062017 uu ku magacaabay la-taliye madaxweyne, isagoo isku bedelna ku sameeyey qaar ka mid ah agaasimeyaasha guud ee wasaaraddaha dalka.


Madaxweynuhu:Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

 
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay La-taliyeyaasha Madaxweynuhu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay: In baahi loo qabo magacaabidda jagada La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Gaashaandhigga;

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday :In Mudane, Maxamed Aadan Saqadhi Maxamuud (Dabagale), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Gaashaandhigga (Bedel hore hoggaanka hawlgelinta Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland).
 
Isku bedelka Agaasimeyaasha Guud

Madaxweynuhu:Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraduhu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay: In baahi loo qabo magacaabidda jagooyinka Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaraddaha Waxbarashada & Tacliinta Sare, Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta iyo Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta
Markuu La Tashaday: Madaxda ay khusayso;

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;

Markuu Ku Qancay: In ay hanan karaan xilalkan;

Wuxuu go’aansaday1. In Mudane, Axmed Abokor Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland (Bedel hore Warfaafinta iyo wacyigelinta).

2. In Mudane, Cabdi Cali Jaamac, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta Jamhuuriyadda Somaliland (Bedel hore Waxbarashada iyo Tacliinta Sare).

3. In Mudane, Hassan Cumar Hoorri, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Jamhuuriyadda Somaliland (Bedel hore Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta).

ALLAA MAHAD LEH
Xuseen Aadan Cigse(Deyr)
Afhayeenka Madaxtooyada JSL,