Diyaarad Ay Leeyihiin Ciidamada Suuriya Oo Lagu Soo Riday Magaalada Raqqa Iyo Maraykanka Oo Ka Hadlay

0
Monday June 19, 2017 - 16:26:00 in by Burco Office
  • Visits: 547
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaarad Ay Leeyihiin Ciidamada Suuriya Oo Lagu Soo Riday Magaalada Raqqa Iyo Maraykanka Oo Ka Hadlay

    Diyaarad Ay Leeyihiin Ciidamada Suuriya Oo Lagu Soo Riday Magaalada Raqqa Iyo Maraykanka Oo Ka Hadlay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Diyaarad Ay Leeyihiin Ciidamada Suuriya Oo Lagu Soo Riday Magaalada Raqqa Iyo Maraykanka Oo Ka Hadlay

Milatariga Suuriya ayaa sheegay in diyaaraddaasi ay u socotay hawlgal ka dhan ah kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka iyadaas oo markaa laftirkeedii la weeraray Axaddii, sida uu ku warramay telefishinka xukuumadda Suuriya.

Dawladda Suuriya waxay sheegtay in dhacdadani ay "cawaaqib xun" ku reebi doonto dadaalladii lagula dagaalamayay argagixisada.

Maraykankuna wuxu sheegay in uu is dicaafay ka dib markii ay diyaaraddaasi bambooyin ku soo ridday meel u dhaw dagaalameyaal ay taageerto.

Arrintani waxay ka dhacday magaalada Ja'Din oo ay




gacanta ku hayaan jabhadda Xoogagga Dimuqraadiga ah ee Suuriya ee magacooda loo soo gaabiyo SDF.

 

Jabhadda SDF oo taageero ka helaya duqaymaha ay cirka ka gaysanayaan xulafada uu Maraykanku hogaaminayo ayaa isku xeeraya magaalada Raqqa oo ay ku xoog badan yihiin kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka.

Labo saac ka hor marka diyaaraddan la soo riday Maraykanku wuxuu sheegay in ciidammo daacad u ah madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-Asad ay weerareen dagaalameyaasha jabhadda SDF iyadoo tiro ka dhaawacay kana saaray magaalada Ja'Din.

Maraykanku wuxuu sheegay in uu jawaab ka bixiyay arrintaas isaga oo aan ka labolabaynin, balse wuxuu caddeeyay in uusan raadsanin in uu la dagaalamo dawladda Suuriya.

 

 

Source:-BBCsomali