Rabshado Lagaga Soo Horjeedo Guusha Madaxweyne Uhura Kenyatta Oo Ka Dhacay Dalka Kenya.

0
Saturday August 12, 2017 - 09:30:39 in by Burco Office
  • Visits: 582
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Rabshado Lagaga Soo Horjeedo Guusha Madaxweyne Uhura Kenyatta Oo Ka Dhacay Dalka Kenya.

    Rabshado Lagaga Soo Horjeedo Guusha Madaxweyne Uhura Kenyatta Oo Ka Dhacay Dalka Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Rabshado Lagaga Soo Horjeedo Guusha Madaxweyne Uhura Kenyatta Oo Ka Dhacay Dalka Kenya.

Meello kale duwan oo ay dagan yihiin taageerayaasha hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa waxaa xalay ka qarxay rabshaddo looga soo horjeedo guusha madaxweyne Uhura Kenyatta.


Rasaas ayaa ka dhacaysay xaafaddaha isku-raranta ah ee Kibera iyo Mathare ee Nairobi, iyo xaafadaha kale ee saboolka ah.

Sidoo kale magaalada dhinaca galbeedka ku taalla Kisumu rabshado ayaa ka dhacay.

Booliska Kenya ayaa rasaasta dadka ka ilmeysiisa ku furay dad rabshado ka dhigay.

Dhinaca kale, hay’adda Human Rights Watch ayaa booliska Kenya ugu baaqday inay is-xakameeyaan xiligan xasaasiga ah oo aanay awood u isticmaallin dadka dibadbaxyada sameynaya.

Human Rights Watch waxay sheegtay in dibadbaxyada dhacaya iyo rasaas xoog badan oo meelaha qaarkood laga soo sheegayo, ay muhiim u tahay ciidanka amniga inay xaaladda dajiyaan ee aanay uga sii darin rabshadaha.

"Boolisku yaanay isticmaalin suntan danka kaga ilmeysiisa iyo rasaasta nool” sidaasi waxaa sheegay Otsieno Namamaya oo ka tirsan hay’adda Human rigths Watch.